Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Xghayaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Soo Jeediyey In Ciidamo La Geeyo Dhulka La Haysto Ee Falastiin

Saturday - August 18, 2018


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa sheegay inay muhiim aheyd in Ciidamo la geeyo dhulka la heysto ee Falastin-yiinta, si loo difaaco dadka Falastiin.

Antonio Guterres ayaa sheegay in dadka ku nool dhulka la heysto ee Falastiin ay soo wajahday caqabado iyo dhibaatooyin ay kala kulmayaan Milateriga Israa’iil, isla markaana muddo dheer ay heysato halis amni.

Waxaa uu soo jeediyay in ciidamada Hubeysan ee la geynayo dhulka Falastiin ay noqon doonaan kuwo hoos imaanaya Mas’uuliyadda Qaramada Midoobey.

Ciidamo Nabad ilaalin oo la geeyo dhulka la heysto Falastiin ayaa lagu ansixin karaa oo kaliya shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaana laga cabsi qabaa in Mareykanka u adeegsado codka diidmada qayaxan ee loo yaqaano VETO.

Qaramada Modoobey ayaa bishii June ee sanadkan cambaareeyay awoodda xad dhaafka ee Israa’iil u adeegsatay dadka rayidka ee reer Falastiin, waxaana labadii bilood ee la soo dhaafay Milateriga Israa’iil ay xasuuqeen dad rayid oo Falastiin ah.