Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Hadba Waxa Taagan .. Maxay Tahay Ciid Al-Adxa Or Ciida Carafo

Sunday - August 19, 2018


Ciid al-Adxa (Af-Carabi: عيد الأضحى; Af-Ingiriis: Eid al Adha; sidoo kale loo yaqaano Ciida Carafo) waa ciida labaad ee dadka muslimiintu u dabaal degaan iyagoo cibaadooyin cayiman Alle ku caabudaya, waxay ku beegantahay 10 bisha dil xijja ee kalandarka islaamka ama Taariikhda Hijriga,  waana markii laga soo tago taagnida Carafa, meesha ay istaagaan xujaydu si ay u gutaan manaasikta xajka kuwa ugu muhimsan, 

Ciida ayaa dhamaata 13 dil xijja , ciidaan ayaa sidoo kale ah xasuusta qisadii nabi Ibraahiim cs markii uu doonay inuu wiilkiisa Ismaaciil huro (Gowraco) isagoo gudoomaya amarkii alle ee ahaa inuu gawraco wiilkiisa curadka ah, waana laga daayay oo lagu furtay wan weyn. saas daraadeed muslimiintu waxay huraan ama gowracaan qofkiiba neef xoolo ah (Ari , Lo' ama Geel) iyadoo hilibkaas loo qaybinayo qaraabada dadka masaakinta ah iyo cidahooda, halkaas ayuuna ka yimid magaca (adxaa, ama udxiya) oo la macno ah qowricid ama hurid. maadaama la hurayo xoolo la gowracayo.

Sharci ahaan ciida ayaa ah afar maalin oo loo yaqaan أيامُ التشريقِ maalmihii hilibaysiga, iyadoo in la soomo ay xaaraan tahay maalmahaas.

Ciida ayaa bilaabanaysa habeenka ay soo galayso 10 bisha dil xijja, ilaa 13keeda iyadoo la bilaabayo takbiirta iyo adkaarta la akhriyo ciida waana la wadayaa ilaa maalmaha ciidu ay dhamaadaan,

Takbiirta
Takbiirta ayaa sunno mu'akkadah (sunno la adkeeyay) Habeenka ay ciida soo galayso ayaa la bilaabayo takbiirta iyo adkaarta la akhriyo ciida waana la wadayaa ilaa maalmaha ciidu ay dhamaadaan sida ugu saxan hadallada culumada.
Salaada Ciida
waxaa sharci ah in la meel qura lagu wada ciido, salaadan ayaa ka kooban labo rakco aan lahayn addin iyo aqin midna, takbiirta xirashada markii laga reebo todobo mar ayuu الله أكبر leeyahay rakcada koowaad, rakcada labaana waa shan mar markii laga reebo takbiirta soo istaaga, mid walboo ka midana gacmaha ayuu kor u qaadayaa, wayna banaantahay in kali loo rukado jamaacana lagu rukado,

Gowraca
waxaa suuno la adkeeyay ah in la gowraco wixii qofka u fududaada oo xoolo ah sida Ari Lo' iyo Geel, nabiga scw wuxuu gacmihiisa ku gawracay labo wan oo isagoo bisinka u qabtay allahu akbarna yiri