Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Trump-ki Kibirka La Qooqay Oo Ku Baaqaya In Baadariga Andrew Brunson Loo Soo Daayo Iyo Erdogaan Oo Yiri Dal-kaygaan ILaashanaya

Tuesday - August 21, 2018


Waxaa sii socda ismaan-dhaafka u dhaxeeya dowladda Turkiga iyo tan Maraykanka, waxayna arrimaha salka ku hayaan labo Wadaad oo midna masiixi yahay, midna muslim yahay.

Madaxweyne Erdogan iyo dowladda Turkigaba waxa ay Maraykanka ka dalabayaan in ay ku soo wareejiyaan Wadaad lagu magacaabo Fatxullaah Gulen oo ku nool gobolka Pennsylvania.

Waxa wadaadkan lagu eedeeyay in uu ahaa maskaxdii ka dambeysay afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay .. Erdogan oo maqaal ku qorey wargeyska New York Time ayaa yiri “Maraykanka waxa ay ku guuldareysteen in ay fahmaan waxa ay qabaan dadka reer Turkiga, illaa inta Maraykanka ka fahmayaan muhiimadda ay leedahay in ay xushmeeyaan qaranimadeena, ilaa inta taas dhacayso iskaashigeena mugdi ayuu ku jiraa” Waxa kale oo uu Erdogan Maraykanka ku eedeeyaa in aysan cambaareynin isku daygii afgembiga Turkiga ee sanadkii 2016-kii .. Maraykanka waa uu diiday in uu wareejiyo Wadaadkaas Gulen, wuxuuna ku tilmaamay Nin afduuban

Dhinaca Kale Andrew Brunson, waa Baadari ka tirsan Diinta Masixiiga, waxa uu hoggaaminayay kaniisad ku taala magaalada Irsim ee dalka Turkiga, Labo sano iyo dheeraad ayuu ku xirnaa Turkiga, waxaana lagu eedeeyay in uu taageere siiyay kooxo Turkiga uu u aqoonsanyahay argagixiso, kana mid yihiin kuwa Kurdiyiinta, Waxaase War Kale sheegayaan inu Ahaa Sarkaal ka tirsan ciidamada Marineska Mareykana oo u dalka Ciraaq Ka dagaalamay, isla markaana u xilsaarnaa Soo daaabulida Dahabki Ciraaq oo U soo dhoofi dhinac Mareykanka

Arrinka micnaha samaynaya ayaa ah in mad-habta uu ka tirsanyahay baadariga ee ah Prostestan-ka ay yihiin dadkii aadka u taageeray madaxweyne Donald Trump, waxayna hadda xerta kaniisadan Trump ku cadaadinayaan in uu soo daayo Mr Brunson.

Hadda waxa uu ku jiraa xabsi guri, dowladda Turkigana waxa ay diidday dalab kasta oo ah in ay ku siidayso, waxayna qabtaa in nidaamkeeda garsoorka uu go’aan ka gaaro sida laga yeelayo ninkan.

Dowladda Maraykanka oo taas ka carootay ayaa cunaqabatayn kusoo rogtay Turkiga, waxana canshuuro dheeraad ah la saaray Birta iyo Naxaasta Turkiga ee loo dhoofiyo Maraykanka.

Arrimaha kale ee ay isku hayaan, Waa Isu dhawaanshaha Turkiga iyo Iran ayaa kasii caraysiiyay Maraykanka, waxaana jirta in wasaaradda maaliyadda Maraykanka ay u yeertay Bangi weyn oo laga leeyahay Turkiga oo lagu magacaabo Halkbank, kaas oo loo heysto eedeymo la xiriira in uu macaamil ganacsi la sameeyay Iran si khilaafsan cunaqabataynta dhaqaale ee dalkaas lagu soo rogey.