Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Iiraan Oo Sidi Aar Libaax Oda Soo Jabisay .. Heshiis Hawlgal Milatari Ee Dhex Maray Iiraan Iyo Siiriya Oo Walaac Ku Abuurtay Israaiil

Wednesday - August 29, 2018


War Laysla Dhexqaadaayo ayaa sheegaya in Dawlada Iiraan Iyo Siiriya Ay Dhawaan Kala Saxiixdeen Heeshiis Milatari Oo Dhigaya in Labada Dhinac Ay Iska Kaashadaan Hawlgalka Milatari Ee Ay Kula jiraan Argagixisada mandiqda ka dagaalameysa ee Sida gaarka dagaalka kula jira dawlada Bishaar Asad.

Sida Warka israaiil-yiinta ay qeexayaan waxaa dalka Siiriya martiqaad ku yimid Taliyaha Ciidamada iiraan General Amiir Xaatimi oo halkaas ku saxiixay heshiis iskaashi Milatari ee Siiriya Iyo iiraan, taaso sida ay tilmaameen israaiilinta ka careysiisay kana dideen oo aysan marna ka aamusi-doonin oo ay jawaab deg deg ah ka bixin-doonaan, kalka Jeneral Xaatimi u warkaas madaxda israaiil ku sheegay iney tahay Booto iyo Naanaa

Raiisal Wasaare Netanyaahu ayaa dhawr jeer u socdaalay dalka Ruushka oo u ku qaabilay madaxweyne Butin, waxuuna ka codsaday in saldhigyada iiraan ay ku leedahay dalkaas siiriya gabi ahanba laga saaro, laakiin Madaxweyne Buutin Oo Arinkaa Ka jawaabaya ayaa ku dooday in iiraan ay ku timi codsi dawlada siiriya oo aysan suragal ahayn in si fudud ay ku baxaan.