Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Midnimadi Somaliya Oo Nin Walba Dhan Ula Dhaqaaqay .. 5 Xisbi Oo Taageeray Go'aanki Shirki Kismaayo

Sunday - September 9, 2018


Isbaheysiga mucaaradka ee dowladda Soomaaliya oo ka kooban afar Xisbi iyo Kutlada Baarlamaaniga ee Horusocod ayaa war saxaafadeed ka soo saaray shirkii Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ee shalay lagu soo gabagabeeyay magaalada Kismaayo.

Xisbiyada kala ah Daljir, Kulan, Wadajir, Xisbiga Nabadda iyo Kutlada Horusocod ayaa waxay sheegeen inay soo dhoweynayaan war murtiyeedkii ka soo baxay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada shirkoodii ka dhacay Kismaayo.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay la qabaan dareenka ay ka muujiyeen horumar la’aanta dhinaca amniga, siyaasadda iyo garsoorka ee uu dalku ku sugan yahay.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen inay la qabaan walaaca ay ka muujinayaan qalalaasaha iyo kalatagga siyaasadeed ee ay Soomaaliya gashay, faragelinta iyo wiiqidda hey’adaha dastuurkiga, taasoo ay tilmaameen in dowladdu ka weecisay shaqooyinkii muhiimka ahaa ee loo igmaday, sida la dagaalanka cadawga, u adeegida bulshada iyo horumar la’aanta.

Waxaa kaloo ay caddeeyeen in la siyaasadeeyay hey’adihii amniga, xafiisyadii madaxa banaanaa ee hanti dhowrk qaranka, xeer ilaaliyaha guud iyo Garsoorka.