Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Waa Maanso La Magac Baxday "Alle Meeshu Muran Badanaa" Oo U Tiriyey Nin Aan Magaciisa Weli La Sheegin

Thursday - September 13, 2018


Maansada waxaa la yiraadaa
“Muran Badanaa!”

Soomaaliya mas’uul badanaa
Magac dowlo badanaa
Maamul goboleed badanaa
Madaxweynayaal badanaa
Macno xumo badanaa
Muwaafaqo darro badanaa!

Xaajo murugsan badanaa
Qabiil muransan badanaa
Musuqmaasuq badanaa
Maal xaaraana badanaa
Dad is maagay badanaa
Miciin darro badanaa!

Mooryaan qaawan badanaa
Ruux maldahan badanaa
Maan doorsan badanaa
Madiidin gaalo badanaa
Mus la galo badanaa
Qof masaar liqay badanaa!

Wadaad mufsida badanaa
Diin maroorin badanaa
Marin habaabin badanaa
Mujaahid beena badanaa
Anaa mudiira badanaa
Alla mushkilo badanaa!

Muqdisho macnayaal badanaa
Mowjad kacsan badanaa
Miino qaraxda badanaa
Maanyo-moorto badanaa
Marin gooyo badanaa
Meeshu qaylo badanaa!

Madaxweynuhu dhoof badanaa
Waa lay macsuumay badanaa
Meelo aad-aad badanaa
Marti qaad shisheeye badanaa
Ninku Maqnaansho badanaa
Meelo sare waab badanaa!

Hargeysa muusannow badanaa
Midnimo diid badanaa
Waa nala maagay badanaa
Miig baa na laayay badanaa
Astaan mariida badanaa
Maantaan xorownay badanaa!

Garoowe masayr badanaa
Madaxdeedu cuqdad badanaa
Muddac iyo qaylo badanaa
Annagaa mudnayn badanaa
Waa nala garab maray badanaa
Marmarsiiyo baas badanaa!

Reer Mudug mushkilad badanaa
Magaalo qaybsan badanaa
Gaalkacyo Maayar badanaa
Nin is magacaabay badanaa
Mid kaloo ku haysta badanaa
Alla dadku maag badanaa!

Kismaayo muran badanaa
Anaa marooqsaday badanaa
Waan maali jiray badanaa
Madaxweynayaal badanaa
Magli xanaf leh badanaa!

Gaal maqiiqan badanaa
Amxaar muraad leh badanaa
Kiinyaati muun ah badanaa
Musefeeni baahan badanaa
Soomaali meyd ah badanaa
Magaalo dunsan badanaa!

Soomaaliya maal badanaa
Xoolo miyi badanaa
Geel mawjada badanaa
Lo’ la maalo badanaa
Mooro ari ah badanaa
Haddana macaluul badanaa!

Maanyo buuxda badanaa
Webi ma’wi ah badanaa
Mallay bilaasha badanaa
Ceel macaan badanaa
Dhasheeg meersan badanaa
Mar kalana oon badanaa!

Baardheere masaggo badanaa
Afgooye muus badanaa
Babaay miiran badanaa
Bariiska Mugaambo badanaa
Mareerrey sonkor badanaa
Dalkuna macaluul badanaa!

Maanyadeennu dherer badanaa
Maraakiib shisheeye badana
Tuug mulfinaaya badanaa
Milatari shisheeye badanaa
Mooriyaan badeed badanaa
Halaq mareen badanaa!

Alla Meeshu Muran Badanaa!

Muran Badanaa!
Tixdaan kore waxaa tiriyay abwaan caadil ah oo u garsooray Soomaali iyo siyaasiyeenteeda. Sheegayna qof walba halka uu la’ yahay iyo iinta uu leeyahay. Nasiib daro magaciisu nama soo gaarin ee bal nala aqriya tixdaan.