Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Hal Libaax Arkeysa Ma Godlato .. Ruush Bilaash Xayte Oo Si Qabow Ugu Hanjabay Israaiil

Tuesday - September 18, 2018


Moscow – Dowladda Ruushka ayaa ku eedeysay ciidamada Israa’iil inay ka danbeeyeen oo sabab u noqdeen diayarad milateri oo laga soo riday Ruushka, taasoo ku sugneyd Badda Dhexe ee U dhow magaalada Ladiqiya ee dalka Syria.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa shaacisay in diyaaradda oo ahayd nooca sahanka ee IL-20 ay ku jirtay duulimaad caadi ah, isla markaana ay isku qariyeen diyaarado dagaal oo Israa’iil leedahay, kuwasoo gadaasheeda gantaalo ka riday iyadoo weerarraya magaalada Ladiqiya ee dalka Suuriya.

Ciidamada difaaca Cirka ee Suuriya Gantaallo ugu jawaabay diyaradaha dagaalka Israel oo ahaa nooca F-16, taasoo keentay in gantaallaha SAM-200 ay haleelaan diyaaradda Ruushka oo ay saarnaayeen 15 askari oo Milateriga Ruushka ka mida, kuwaasoo ku dhintay diyaaradda dhacday.

Wasaaradda Gaashaandhigga Ruushka ayaa caddeysay inay Israel mas’uul ka tahay geerida ciidamada Ruushka, ayna ku kacday fal caddownimo ah, iyadoo aan weerarka ay qaaday ku wargelin taliska Ruushka ee ay iskaashiga leeyihiin, waxayna ku hanjabtay inay jawaab munaasib ah ka bixin doonto falka gardarrada ah ee Israel.

Dowladda Ruushka ayaa ila hadda La Garaneyn Nooca iyo qaabka Ay uga falcelineyso weerarki gardareysiga ee dayuuradaha dagaalka ee israaiiil, laakin khubaro u dhuun-daloosha dhinaca siyaasada Ruushka ayaa la saadaalinaya in laba arimood midkood ay Ruushka ku dhaqaaqi-doonto, Taaso ah in gabi ahaaba ay gaashandhiga Ruushka amar ku bixiyaan in duulimaadka dayuuradaha israaiil gabi ahaanba laga mamnuuco Hawada Suuriya iyo Tan kalo ah in ay dawlada Suuriya la siiyo gantaalaha 300 iyo 400 ee lidka diaaradaha.