Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Yurub Oo iiraan Taageertay Iyo Xulufadi Sacuudiga Iyo Israaiil Oo Baroor-Diiqay

Tuesday - September 25, 2018


Madaxa siyaasadda arimaha dibadda u qaabilsan Midowga Yurub Federica Mogherini ayaa sheegtay inay ka shaqeyn doonaan sidii ay reer Yurub ula ganacsan lahaayeen Iran.

Hadalka haweeneydan ayaa yimid kadib markii madaxweyne Donald Trump uu horay u sheegay in ay tallaabo ka qaadi doono cid kasta oo wax ganacsi ah la sameysa dalka Iran oo uu Mareykanka kusoo rogay cunaqabateyn dhaqaale.
Federica Mogherini ayaa ayaa carabka ku adkeysay in ay ka go’an tahay in ay wali qayb ka sii ahaadaan heshiiska Niyukleerka Iiraan ee uu Mareykanka ka baxay.

Mogherini ayaa aqrisay bayaan ka soo baxay kulan ay yeesheen wadamada wali ku haray oo qaybta ka sii ah heshiiskii wadajirka ah ee Iiraan lala galay.

Bayaankan ka soo baxay 5 dal ee kala ah Rushka, UK, Jarmalka, Shiinaha iyo Fransiiska ayaa waxay xaqiijiyeen in Iiraan ay dhankeeda u hogaansantay heshiika lala galay.

Ka bixitaan Mareykanka ee heshiiska Niyukleerka Iiraan Bishii May ayaa muran ka dhex aabuuray Mareykanka iyo wadamada xulufada la ah ka dib markii dalalka Midowga Yurub ay shegeen in ay ka go'an tahay in ay qayb ka sii ahaadaan heshiiska niyukleerka ee Iiraan.

Ka dib ka bixitaankii heshiiska ee Mareykanka ayaa waxaa si tartartiib ah ay Mareykanka dib ugu soo celiyeen cunaqabatayntii horey looga qaaday Iiraan.

Wareegii kowaad ee cunaqabataynada Iiiraan billaabmay bishii August, iyada oo ay xigeen laba wareeg oo kale oo la dhaqangaliyay bishii November.

Mareykanka ayaa sidoo kale ka hor waqtigii kama dambeysta ahaa ee heshiiskane ee 4 November waxa ay maamulka madaxwayne Trump isku dayeen in wadamada ay saaxibada yihiin ay ku cadaadiyaan in ay Iiraan u jaraan dhammaan heshiiska ganacsiga ,waxa ayna Marykanka shirkadaha Yurub ugu hanjabayeen cunaqabatayn.

Qaabka ay arrintan Mareykanka u wajaheen ayaa waxaa sidoo kale cambaareeyay wadamaad faransiiska, Jarmalka iyo Britain.
Madaxweyne Trump oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid mussiibo ah ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaasi dhanka Niyuklerka ee Iran uusan Iran ka hor istaageyn inay yeelato hub Niyukler, waxaana uu intaa raaciyay in heshiiskaasi uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iran ay u hogaansato heshiiskaasi uusan wax nabad ah soo kordhin doonin.