Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Cagjar Waa Aarsanaya .. Madaxweynaha Maamulka DDSI Oo Si Kulul U Hor-istaagay Qorsho Xal Loogu Raadinaayey Cabdi Cumar iLey

Thursday - October 4, 2018


Jigjiga-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo ku dhow dhow Madaxweynaha maamulka DDSI Mustafe Cagjar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu is hortaag ku sameeyay dadaal lagu doonaayay in cafis loogu fidiyo Madaxweynihii hore ee maamulka.

Illo wareedka aan xogtaani ka helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Mustafe Cagjar uu hor istaagay qorshaha Cafiska, isagoo taa bedelkeeda soo jeediyay in sharciga loo madax-baneeyo arrinta Cabdi Cumar.

Mustafe Cagjar, ayaa dadaalkaasi lagu cafin lahaa ka hor istaagay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka, Ganacsato iyo Odayaal ku xiran dowlada.

Mustafe Cagjar, oo kulan saacado qaatay la yeeshay dhinacyadaas ayaa sheegay in Cabdi Cumar uu yahay danbiile sidaa aawgeed isaga iyo Cafis ay kala fogyihiin.


 Waxa ay xogtu intaa kusii dareysaa in Mustafe Cagjar uu dhinacyadaasi uga digay inay faragaliyaan arrimaha Cabdi Cumar oo uu sheegay inay marayaan meelo adag.

Sidoo kale, Mustafe Cagjar waxa uu dhinacyadaasi u cadeeyay in Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed Kiiska Cabdi Cumar uu ku wareejiyay Xeer ilaalinta Ethiopia, sidaa aawgeed uusan diyaar u aheyn in xiligan uu faragaliyo Kiiska maxbuuska.

Mustafe Cagjar, ayaa horay u sheegay in Cabdi Cumar uu yahay danbiile u baahan in la mariyo sharciga, isagoo si guud u carab dhabay danbiyada lagu tuhmayo isaga iyo Taliyayaal ciidan oo si wada jira loo xiray.

Si kastaba ha ahaatee, Mustafe Cagjar ayaa xeer ilaalinta horay ugu wargaliyay in faragalin la’aan lasoo xiro Kiiska Cabdi Cumar oo uu sheegay inuu abuuray cadaalad daro.