Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Warinti Al-Caalim Ibraahim Bin Adham .. 10 Arimood Oo Keena In Aan Qofka Ducada Laga Aqbalin Quluubta Dadkana Madoobeeya

Monday - October 8, 2018


Waxa la wariyey in Sheekh Ibaarhim Bin Adham Ilaahay Naxariistii janno haka waraabiyee maalin maalmaha ka mid ah isaga oo maraya Suuqa weyn ee magaalada Basra ee dalka Ciraaq ay dadkii kale ee suuqa marayay ku soo urureen si ay wax u waydiiyaan ugana faa’iidaystaan.

Mid ka mid ah dadkii ayaa ku Yiri: "Abaa Isxaaqow waanagii Cilmiga iyo xikmadda kugu ogayne waxaan ku waydiinay sababta dadku mar walba u ducaysanayaan ee haddana aan ducadooda loo aqbalayn?

Kadib waxa uu ugu jawaabay:

Qalbiyadiina waxa dilay 10 arrimood:

1- ILhay SWT waad taqaanaan haddana xaqqa uu idinku leeyahay ma samaysaan.
2- Qur’aanka kariimka ah waad akhridaan hadana kuma camal fashaan oo waxa uu gudbinayo ma samaysaan.
3- Waxaad sheegataan in aad Rasuulkii ILAAHAY ee Muxammed NNKHA aad jeceshihiin, haddana waxaad ka tagtaan hab-dhaqankiisii
4- Waxaad cuntaan Nimcooyinka Ilaahay SWT idin siiyey, haddana kuma xamdi naqdaan oo                       mahadnaqa Alle waa idinku yar yahay.
5- Waxa la idiin sheegay in Shaydaanku yahay cadawgiiina koowaad haddana waad raacdaan oo daba         gashaan
6- Waxaad sheegtaan oo aad ogtihiin in Jannooyinka Ilaahay xaq yihiin haddana uma shaqaysataan.
7- Waxaad sheegtaan oo aad tiraahdeen Naartu waa xaq oo Ilaahaybaa addoomihiisa u diyaariyey                 hadana kama diyaar garawdaan oo ma qorshaysataan wixii aad kaga badbaadi lahaydeen.
8-  Waxa aad tiraahdeen Geeridu waa xaq haddana uma diyaar garawdaan oo uma sahay qaadataan.
 9- Marka aad sidaa uga kacdaan Hurdada markaaba waxaad bilawdaan in aad dadka ceebahooda daba        gashaan idinna ceebihiina illawdaan.
10 - Waxaad Aasataan midika idinka dhinta oo aad si wanaagsan xabaasha ugu hubsataan hadana                    geeridaasi kuma waano qaadataan!!
Waxaad haddaba is waydiisaa maxaa keenay in wakhtigan ducada dadka laga aqbali waayo iyada oo dad badani maalin walba ducaystaan haddana aan aqbalin.