Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Hagardaamadi U Dhigay Amiir M. Bin Salmaan Oo Ay La Rogmatay .. Dhaxalka Boqortooyada Oo Loo Wareejinaayo Walaalkiis Khaalid Bin Salmaan

Friday - October 12, 2018


Dawlada Turkiga ayaa dawlada Mareykanka ku wargalisay in ay hayso cadeeymo Cod Iyo Muqaal cadeynaaya in suxufiga  Sacuudiga ee Jamal Khashoogi lagu dhex dilay Qunsuliyada Saxcuudiga ee Istanbuul halkaaso jirdil kadib la gawracay oo jirkiisi la jarjaray

Daxal suge Maxamed Bin Salmaan ayaa markaan yaqiinsaday in qoobab  ka ciyaar iyo inkiraad dambe ay soconeyn oo dilki suxufi Khashoogi ay ku cadahay, islana Rogtay oo usan siina dhinacna uga baxsan karin, sido kale dawlada Mareykanka Iyo Yurub ayaa iyagana xaqiiqsaday in dilka suxufiga u isagu leeyahay, oo ay ka dambeyeen koox ka kooban 15 Nin oo istanbuul yimi, sidaa daraaded aan la hureyn in talaabo la qaado.

Xaalada Sara ogatay awgeed,warkarka socsocda oo loo bixiyey Badbaado la xariira sida la doonaayo in wax u kala socdaan iyo Xal talaabo la qaado ayaa ka mida in dawlada Sacuudiga ay markaan sheeko caruureedka joojiso, Afkana lingixa ka goyso oo runta diirka ka qaado iyo iyado si toosa in damnbiga loo saaro saraakiisha Amniga iyo gaar ahaan masuullinta diwaanka boqortooyada, isla markaana amiirka dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan lagu eedeyo Amiir aan xilkiisa gudan, kadibna inta is casilo, halkiisa xilka dhaxalka lagu magacaabo walaalkiis Khaalid Bin Salmaan, waxaana qorshaha ku jira in la bixiyo malaayiin doolar oo Mag dhawo ah, wararka ayaa inta ku daraya in la sii daayo wixii maxaabiis siyaasadeed oo Maxamed Bin Salmaan u xiran iyadoo la filaayo in qorshaha la raacin-doono inu dagaalka Yaman ka Baxo 

Jamaal Khaashuqji wax uu ka dhashay qoys caan ah oo reer Madiina ah asalkooduna shan qarni ka hor ka soo jeedo Turkiga, walaalkii Cadnaan Khaashuqji wax uu ka mid yahay dadka Sacuudiga u gu hodansan .. Waqtigan xaadirka ah intii aan la waayin wax uu maqaal joogto ah ku qori jiray wargeyska Maraykanka ah ee Washington Post.