Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Shirkad Calooshood U Shaqeystayaal Ah U Adeegsatay Dilalka Culimo Ka Tirsan Xisbiga Al-islaax Ee Yaman

Thursday - October 18, 2018



Cadan -Website lagu magacaabo Buzzfeed ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Imaaraadka ay u adeegsatay calooshood u shaqeystayaal American ah dilal sanadihii la soo dhaafay dalka Yemen loogu geystay xubno ka tirsan xisbiga Al-islaax, iyo qaar kamid ah A’imada masaajida.

Website-ka wuxuu hoosta ka xariiqay in shirkad Amni oo lagu magacaabo Spare Operation oo dowladda Imaaraadka heshiis la gashey sanadkii 2015-ka ay fulisay dilalka ugu badan ee ka dhacay koonfurta dalka Yaman oo ay ka howlgalaan dowladaha Imaaraadka iyo maamulka Aala-Sucuud.

Shirkadan waxaa Aas-aasay nin Yahuudi ah oo lagu magacaabo Abraahaam Golan, waxaana xubnaheeda ka mid ah ciidamo horay ula soo shaqeeyay dowladda Maraykanka.

Webka Buzzfeed ayaa la kulmay oo wareystay xubno kamid ah shirkadan, kuwaas oo qiray iney dilal ka geysteen laamiyada magaalada Cadan oo ah magaalada labaad ee ugu weyn wadanka Yaman, hadana ah caasimaddda kumeel-gaarka ee dowladda uu hogaamiyo Cabdi-rabbi Haadi Mansuur.

Dowladda Imaaraadka ayaa shirkadan bil weliba siisa lacag gaareysa 1.5 bilyan oo doollarka Maraykanka, waxaana intaas dheer in kooxaha fulisa dilalka qorsheysan ay Imaaraadku siiso noocyada kala duwan ee hubka.
Arintan ayaa muujineysa kaalinta naxdinta badan ee Imaaraadku ka cayaarayo dalka muslimka ah ee Yaman, kaas oo dhowr sano oo xiriir ah ku jira colaado ragaadiyay nolosha, kadib markii isbaheysiga Carbeed uu duulaan aan loo meel dayin ka billaabay Yaman, isagoo adeegsanaya diyaaradaha dagaalka.