Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Wiilashi Jamal Khashoogi Oo Gar Culus Caalamka Soo Hordhigay .. Waxaan Rabnaa Inaan Helno Meydki Aabaheen Si Aan U Dhigno iilka Xabaalaha Madiina

Monday - November 5, 2018


Salah iyo Abdulla waa labada wiil ee uu dhalay Wariyihii lagu dhax dilay Qunsuliyada Sacuudi Arabia magaalada Istanbul ayaa falaar cirka u diray oo sheegay in wax kaliya oo ay hadda doonayaan tahay in ay helaan laguna soo wareejiyo meydka Aabahood Jamaal Khashoggi.

‘’Dhamaanteen waxa kaliya oo aan hadda dooneyno ayaa ah meydka lagu aaso xabaalaha Al-Baqi magaalada Madiina halkaa oo ay ku nool yihiin qoyska oo idil, ayuu Salah u sheegay TV CNN oo uu wareysi siinayay.

Labada wiil oo siweyn uga xun sida loola dhaqmay Aabahood ayaa sheegay in uu ahaa geesi deeqsi ah, iyaga oo intaa ku daray in dowladda Sacuudiga arintan ka dalbadeen, islamarkaana jawaab ka sugayaan si loo xabaalo.

Jamaal Khashoggi ayaa 02-dii October lagu waayay gudaha Qunsuliyada Sacuudiga ee magaalada Istanbul, hasse ahaatee labo todobaad oo diidmo ah kaddib Boqortooyada ayaa 19kii October sheegtay in Khashoggi uu ku dhintay gacan ka hadal ka dhacay gudaha dhismaha Qunsuliyada ee Istanbul, hasse ahaatee arintaa waxaa siweyn uga qeyliyay kuna tilmaamay sheeko aan la aqbali karin madaxda caalamka intooda badan.

Falka dilka ah ayaa la sheegay in ay ku lug lahaayeen ilaa 18 ruux oo ay ka mid yihiin saraakiil sar sare oo tirsan sirdoonka Sacuudiga iyo xubno ku dhaw dhaw dhaxal sugaha Boqortooyada oo hadda inta badan eeda dalka dusha looga tuurayo.

Turkiga ayaa aaminsan in meydka Jamal Khashoggi la jarjaray si aan loo arag, balse wali waxaa soconaya baaritaan.