Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

La Yaabka Aduunka .. Takhtar Nolosha Ku Aasaa Bukaanadiisa Ee Daaweynta Loogu Keeno

Tuesday - November 6, 2018



Thakhtar ku takhasusay cudurrada dhimirka, ayaa nolosha ku aasa bukaannadiisa inta lagu guda jiro daaweynta sidaa darteed waxaa la sheegay inay dareemayaan inay nool yihiin .. Dhakhtarkan oo lagu magacaabo Andrey Zhelvetro, ayaa bukaanada loo keeno ee qaba cudurka dhimirka waxa uu ku ridaa naxash ka hor inta uusan aasin arrintaas oo la sheegay in qeyb ka tahay daaweyntiisa.

Falalkaan aan caadiga ahayn ee uu Thaqtarkani ku dhaqaaqay ayaa waxaa ogaaday qof ka mid ah dadka xaafadda oo goob keyn ah ka helay 12 naxash oo aanay waxba ku jirin oo la dhigay keyn u dhow caasimadda dalka Ukraine ee Kiev. Qofkan ka midka ah dadka deegaanka ayaa waxa uu sidoo kale helay boqollaal xabaalood oo cusub oo goor dhow la qoday, isagoo si deg deg ah ugu yeeray booliiska.

Booliiska ayaa waxa ay bilaabeen inay baaraan falkan waxaana uu baaritaankoodii la galay Thakhtar Zhelvetro, oo qirtay in naxashyada uu  isaga u isticmaalay daaweynta dadka dhimirka qaba. Waxaa la sheegay in thaqtarkani uu sidoo kale keynta geeyay 12 bukaanno ah isla markaana illaa laba saacadood uu nolosha ku aasay. Muuqaal uu duubay thakhtar Zhelvetro, isla markaana uu usoo bandhigay qorshe xayeysiin ayaa muujinaya bukaanadiisa oo daaweynta yaabka leh maraya.

Muuqaalka ayaa waxaa ka muuqanaya naxash la galinayo qabri cusub oo kadibna lagu aasayo, nin shaati cad ayaa la arkayaa oo la galinayaa naxashka ka hor inta aan la aasin. Takhtar Zhelvetro ayaa yiri: “Waxaan sannado kahor abuuray daaweyntan, waxaan ahay qofkii ugu horeeyay ee bilaaba, tani waa tababar kaa caawinaya inaad dareentid inaad nooshahay,”.

Mid ka mid ah bukaannada oo nolosha lagu aasay ayaa yiri “Markii aan kasoo baxay naxashka, waxaan dareemay inaan noqday qof cusub oo kale, layaab ayay lahayd,”.

Mar wax laga waydiiyey sababta uu sidan u yeelayo ayaa Thakhtarkani waxa uu sheegay in ay tahay farsamo daawo ah oo uu ku daawaynayo dadka dhimirka qaba ahna xeelad u gaara ah.