Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Ruuxi Aduunyo Dhex Dabaashow Ogow Geeridu Kadis Bay Ku Imaanee .. Lamaane Da' Yar Oo Geeriyooday Xili Arooskooda La Galbinaayey

Thursday - November 8, 2018


Lamaane da’yar ah oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa geeriyooday xili loo galbinayay gurigii ay degi lahaayeen, waxaana arooska lamaanahan oo ku bilowday farxad iyo reyn reyn kusoo dhamaaday murugo.

Diyaarad nuuca Helicopterka ah oo lamaanahan oo lagu magacaabo Will Byler iyo Bailee Ackerman Byler ka qaaday xafladii arooskooda ayaa bur burtay xili ay diyaarada hawada ku jirtay.

Lamaanahan geeriyooday ayaa wada dhiganayay  jaamacadda Sam Houston State University ee dalka Mareykanka, waxa ayna lamaanahan dunida ka tageen saacad kadib markii uu arooskoodu dhacay.

Ehelada , asxaabtii iyo ardeydii lamaanahan xafladooda arooska kala soo qeyb galay ayaa aad uga naxay geerida ku timid lamaanaha is doortay, waxa ayna baraha bulshada soo dhigeen sawiradii ay la galeen kahor inta aysan geeriyoon.

Lamaanahan geeriyooday xili loo galbinayay gurigigii ay ku aqal gali lahaayeen ayaa ku jiray sanadkii ugu dambeeyay ee Jaamacada Sam Houston State , waxa ayna baranayeen lamaanahan culuumta beeraha.