Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Saydki Adoonsiga Necbaa Aakhiro Ugu Tabiya .. Kaftan Iyo Sheeko Balah-Balah La Isla Soo Dhaaf .. Somaliya Waa La Dhiibay

Sunday - November 11, 2018



Aduunyadu waa harkaas oo hirba hirbaa daba socda .. Sida muuqata waxaa waayahaan dambne umadda Somali halkey jogtaba ka baxaya deyaan iyo digta iyo Af kala-qaad oo ay kaga wal-walsan-yihiin balaayada dalki ku soo hamaan-santay iyo dhaq-dhaqaaqa mashruuca cusub ee ku furmay saaxada siyaasada Somaliya, waxaana si gaara loo hadal haya bareerka cad loo cadeystay qaylo dhaanta socota iyo durbaanka ujeedada xeesha u beryahaan tumaayo Raiisal Wasaaraha itoobiya Mr. Abyi iyo ereyad u ku waraabinaayo dhagaha ee u ku magacaabay isbadal-doon geeska afrika, taaso oo u ku sheegay in dalka Somaliya iyo Itoobiya horay daadki isticmaarka u kala xiray ay mustaqbalka dhaw noqon-doonaan hal dal oo meel kaliya looga taliyo.

Dadka Somali ayaa ku wareersan ilka cadeynta Riisal wasaare Abyi iyo waxa uurkiisa ku jira shar iyo kheyr key tahayba iyo inu somali naxariis u hayo iyo inu ku maqanyahay ciribtirkooda, koleyba sida inta badan ee somaalida ay ka qabto R/W Abyi waa hubaal inu khiyaamo la dabal- joogteynaayo oo dun meel ugu xirantahay .. waa hubaal in ujeedadiisu tahay inu Maska meel Madow ugu dhiibo Farmaajo markaas seefta u la helo Somali 

Shacabka Somali meelkasta ha jooge ayaa wararka sirta ah ee la xigtay ayaa siyaaba kala duwan uga dareen celiyey oo ay ku muujinayaan in qorshaha itoobiya ay wadato ay uun tahay in dhulka Soomali ay u soo haajiraan malaayiinta qabaaiilada Uraagada iyo Oromada si ay uga shaqeystaan dhulkaas dabadeedna ugu yeeshaan halkaas degaano kadibna ku milmaan qabaaiilada Somali. .. Qorshaha R/Wasaare Abyi ayaa ah in Oromada iyo Uraagada ay dalka Somali qorshahaan sidaan ah ku dagaan, dabadeedna jiilba jiilka ka dambeya ee Oromada ay isu soo tilmaamaan degista dalka Somaliya illa ay ka noqdaan majoritiga dalka

1- Gobolka Bakool waxaa loo qorsheeyey iney degaan 200.000 Qoys
2- Gobolka Bay qorshaha qaybtiisa hore la dajiyo 300.000 Qoys, mustaqbalkana la kordhiyo
3- Jubada Hoose iyadana qaybta hore ee qorshaha la dajiyo 100.000 Qoys mustaqbalka la kordhiyo
4- Gobolka Banaadir Guud ahaan ay ka shaqeystaan 70.000 Qof, Mustaqbalka la kordhiyo
5- Puntland marka hore la dajiyo 500.000 Qof oo ka shaqeysta, sido kale la kordhiyo
6- Somaliland la dajiyo illa hal malyan Qof, mustaqbalka la kordhiyo

Dhinaca kale dadka Somali ayaa aaminsan in hogaanki Farmaajo loo hanweynaa maalinba maalinta ka dambeysa dhiiqo hoosta ka galaya, isla markaana guntiisi maanta wuxuu yahay la soo xaaray .. maamulkiisi waa ka bixi la'yihiin xilki loo igmaday, mana muuqato rajo ka soo socota, waxaa la tilmaama ineysan lahayn dareen ay ku ilaaliyaan magaca iyo karaamada dalka somali, balse aan il-dheeri iyo dareen u lahayen khamaarka hagar-daamada u ciyaaraayo Riisal wasaare Abyi.
Waxaa maanta bulshada somali xaqiiqo ku ogaatay in maamulkaan xil aysan qaadi-karin, awood u lahayen una qalmin lagula kufay .. Nin Hurdow Ka Toos Hurdada , Caano Qubtay-ba Gadaalkood La Qabay Ee Goormaan Heli-doonaa Halyey Leader Qaran Kor Iyo Hoos Eega Oo si Hagar Baxa Iyo Maskax Gun Weyn Dalkaan Ku Badbaadiya Waa Yaabe?