Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Allow Islaamka Faraj Iyo Nasri U Fur .. Waa Kuma Mahdiga Nuurka La Dul Dhigay Ee Soo Dhaweyntiisa Loo Kala Hari-doonin

Friday - November 23, 2018


Aduunka meel kasta iyo cid walba waxaa buuxiyey Madow Iyo Mugdi .. Aduunyadi waxay u O'oman-tahay Nuurki ilaahay iyo kalmadiisa xaqa ah oo sareysa .. Talow waxa maanta dunida ka socda ma soo bixidi Masiixiga ? mise waa soo bixidi Mahdiga? laakiin yaanay ila sii fogaan oo aanan la yaabin waxa ka socda Aduunka iyo caqliga naafoobay

Shaki kuma jiro in aynu ku noolnahay samanki Dijaal Cawar, naftiisu weli ma muujin, laakiin aduunyadi waxaa buuxiyey fekerkiisa iyo falsafadiisa iyo siyaasadiisa iyo khiyaamooyinki Dijaal, waxaana dunida maanta jooga kooxo yiraahda waxaan la shaqeyna ibleyska Dijaal oo ku caan baxay sharka sheydaanka .. Waxaa haray oo kaliya in uu muujiyo naftiisa kadibna waxaa inoo bilaabmaya sheekooyinki iyo dhamaadki Aduunyada.

Arrinta ku saabsan Mahdigana, waxa loo kala qaybsamay sadex qeybood: qolo aan aqoon iyo cilmi u lahayn diinta Alle wayba diiday gabi ahaantiisa ayagoo si cad oo qayaxan u baal maray axaadiistii Rasuulka (scw) oo saxiixa,
kuwo kalena way sugeen imaanshihiisa balse waxay ku dareen waxyaalo aan sal iyo raad ku
lahayn diinta Ilaahay ayagoo u ekaysiiyey sida Masiixu dajjaalka Yahuudu sugayso, qoloda sadexaad oo ah Muslimiinta Ehlu sunnaha ahna ayaguna waxay raaceen axaadiistii ka sugnayd nabiga (scw) ayagoon waxna ku darayn waxna ka dhimaynin.

Mahdiguna waa nin kamid ah ehelka baytka Nabiga (scw) soona baxaya Aakhiru zamaanka, wuxuuna Alle ku toosinayaa umada muslimiinta ah, dhulkana wuxuu ka talinayaa Todoba ama Sideed Sanadood, isagoo dhulka ka buuxinaya Cadaalad halka markii hore ay dhulka ka buuxda Dulmi iyo Gardarro, xilligaasna dadku waxay gaarayaan barwaaqo aan hada ka hor aysan gaarin.

dhulku wuxuu soo saarayaa Beerihiisa, Cirkuna wuxuu soo daynayaa Roobkiisa.
Magaca Mahdinguna wuxuu la mid yahay magaca Rasuulkii Ilaahay (scw) waa Muxamed ama Axmed, Aabihii magiciisuna wuxuu la mid yahay magaca Nabi Muxamed Aabihii ee Cabdullaahi, wuxuuna ku abtirsadaa Xasan ibnu Cali ibnu Abudaalib. 

Dhanka kale waxa soo aroortay sifooyin uu leeyahay oo ah inuu ninkaasi salxanyo leeyahay ama timaha hore ee madaxiisa ayaa dib u gurmay, sidoo kalena wuxuu leeyahay san dheer iyo sanqaroorka oo sare u taagan.