Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Waa Talabo Aan La Wada Ruugin Oo Roor Ku Jiro .. Dikteetar Afewerki Ee Dadkiisa Cawiray Oo Maanta Ka Soo Dagay Mogdisho

Thursday - December 13, 2018


Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku soo dhaweyeye Muqdisho dhigiisa Dalka Ereteria Assias Afewerki, booqashada oo u ku joogi-doono laba cisho, waxaana la sheegaaya inu mogdisho u yimi dano gaara iyo heshiisyo hore u daba socdo oo weli aan saxiix guud lagu jiidin, isla markaa waxaa warku intaa ku daraya inuu xeryo milatari oo gaara u soo booqan-doono oo ciidamadiisa ay ku birin-birqeeyaan.

Sida ilo runa ay xaqiijinayaan Ciidamo Ereteria ah oo damac wado ayaa loo qorsheeyey iney ilaaliyaan xarunta madaxtooyada oo wixi amni la xariira ay iyaga hoos tagayaan, kaaso ku yimi codsi madaxweyne Farmaajo, waxaana looga fadhiya madaxweyne Afaweki inu xal u helo colaadi u ka oogay somaalida dhexdeeda oo uu hubka isugu dhiibay iyo dhaqaalaha shabaab lagu taakuleyo xagiisa la soo marsiiyo.

Dadka xaga siyaasada ka faalooda ayaa warkooda ku sheegay in talabadaas ciidamada lagu keenaayo ay tahay mid aan la wada ruugin oo roor ku jiro, isla markaana ciidankaas Ereteria ay ceeb iyo fadeexad ku noqoneysaa Ciidanka Soomaalida oo la isku haleyn waayey oo badal-kooda la soo galiyo ciidamo shisheeye, waxay kalo siyaasiyiinta intaa raaciyeen in maamulka Farmaajo ay u muuqato kuwa salida iyo biyaha isku daray oo arimaha qaarkood si fuduud u la bood boodaya sidi koran buubaaya.