Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Abaabul Lagu Diidan-Yahay Dawlada Oo Bilaabmay .. Shir Wadatashi Mucaarad Oo Ka Qabsoomay Mogdisho Bishaan 13/12/2018 Iyo Wixii Ka Soo Baxay

Sunday - December 16, 2018



Warar laga soo xigtay ilo warkooda lagu kalsoonyahay ayaa cadeeyey in bishaan December 13-keedi shir ay isugu yimaadeen mucaarad Rag iyo Dumar colaad ku hurinaaya dawlada oo ka koobnaa odayaal dhaqmeed, dhallinyaro, ganacsato, siyaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Haween

Sida la sheegay shirka waxaa lagu falaanqeeyey Xaalada dalku marayo, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed iyo waliba waxa Baydhabo ka socda iyo wax ay ku tilmaameen damaca Farmaajo. Waxaa warbixino laga dhagaystay Siyaasiyiinta iyo Saraakiisha ciidanka iyo kuwa sirdoonka la sheegay iney ka tirsan yihiin. Waxay ka warbixiyeen xaalada Siyaasadeed iyo tan Amni ee dalka ka jirta .. Dood dheer ka dib Waxaa la tabiyey in la isku raacay

1) In Farmaajo uusan Dastuur iyo Sharci midna dan ka lahayn, uuna doonayo in uu kali-talisnimo iyo talo 3 ruux ku kooban, Farmaajo, Fahad Yaasiin, iyo Kheyre oo xoog iyo colaad wax ku meel mariya.

2) In aan la sugin Farmaajo inta uu Baydhabo ka soo jeesanayo ee abaabulka iyo dagaalka haatan la galo. Waxaa kaloo la isla gartay in Farmaajo uu duulaan ku soo yahay beesha Hawiye.

3) In la abaabulo kacdoon shacabka oo looga horjeedo Farmaajo iyo Labada Nin ee dhalanteedka ku wehlisa ee Fahad Yaasiin iyo Kheyre

4) Sido kale Beesha Hawiye mucaaradkeeda ayaa isku raacday in ay tilaab cad ka qaadaan wiilasha dilka iyo shirqoolada ka shaqeeya ee kala ah:
Saadiq John, Farxaan Qaroole, Yaasiin Ganeey, Cali Yare, Xerow, Mahad Korow, Fanax iyo C/Rashid. Waxaana arintaas wax ka qabadkeeda loo saaray koox diyaarsan oo ragaas shaqo la yaqaan ka qabsada. Waxaa arrinkaas sida la tilmaamay balan qaaday wiilal naftood hurayaal ah.

5) Waxaa Sidoo kale la isku raacay in qaaqlayaasha beesha tilaab laga qaado, waxaana ragaas ka mid ah: Salaad Cali Jeele, Cali Maxamad Geedi, Calawa Jiis, Xasan Cilmi Yaxye, C/daahir Ugaas iyo Ina Axmad Diiriye.

6) Waa Sida ay sheegeene, Waxaa kaloo la isku raacay in ciidan iyo hub la isku keeno, banaanbaxyo la abaabulo, la gooyo jidadka madaxtooyada gala, lana cuuryaamiyo isku socodka iyo dhaqdhaqaaqa ciidan.
7) In canshuurta iyo baada la iska diido.
8) In AMISOM iyo Beesha caalamka lala kulmo
Waxaa kalo warku intaa raaciyey Si hawshaan loo meel mariyo Waxaa la qabtay gudiyo Kala ah: Amniga, Dhaqaalaha Iyo Siyaasada