Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Taariikhdi Xaakim Qarqoosh Iyo Nidaamki Garsoor Ee U Dadka Ku Kala Saari Jiray

Tuesday - December 18, 2018



Qaraqoosh waxa uu noqday wakiilka Salaaxuddiin ee Masar, isaga ayaana uga masuul ahaa inta badan ee socodsiinta hawlaha dawladda .. Intii uu xilka Masar hayey hawlaha uu qabtay waxaa ka mid ahaa deyr dheer oo uu ku xiray magaalada Qaahira. waqtigaas oo cadawga laga ilaalin jiray

 In kasta oo uu Qaraqoosh talada Masar hayey muddo 30 sano, waxyaabo badan ayuu qabtay, haddana waxaa si gaar ah xusuusta taariikhda ugu dhegey nidaamkii garsoor ee Qaraqoosh iyo sidii uu dadka u kala saari jiray oo ahaa hab aanay dadku hore u soo arag oo abuuray doodo, iska soo horjeeda, laakiin xukunkiisi wuxuu soo afmeermay markii uu hoggaanka dawladda qabtay boqor lagu tilmaamay in uu ahaa nin aad u caddaalad badan oo ay walaalo ahaayeen halyeeyga weyna ee Salaaxuddiin.

 Waxaa la sheegaa in Qaraqoosh markii xukunka laga qaaday uu joogto ka dhigtay in aanu gurigiisa ka bixin illaa uu ka dhimanayey sannadkii 1201 ee taariikhda miilaadiga.

Xaakim Qarqoosh waxaa xukumadiisi dadka qaar ku tilmaamaan kuwo xikmad ku dhisan oo fariid-nimadiisa sheegaya, kuwo kalana ruux maangaab ah iyo caqli xumo ku duraan. mid kasta oo lagu sheegana waxaa hubaal ah in xukunnadiisu ay illaa maanta ka mid yihiin hal-haysyada carrabka ku soo noqnoqda markasta oo xukun iyo garsoor laga hadlayo.

Xukunki Qarqoosh kuwa ka mida:
Nin dambiile ah ayaa Qarqoosh ku xukumay dil delelaad ah. Markii loo diyaariyay halkii lagu deldelayay, ayaa askarti soo kaxaysay dabeedna waa la saaray. Xarigii lagu deldelayay markii la ag joojay, ayaa askarti waxay aragtay in uu dembiiluhu ka gaabanyay xariga oo aan luquntiisu gaarayn.

Arrintii ayaa Qarqoosh loo sheegay. Ka dibna halkii ninka loo diyaariyay in lagu deldelo ayuu yimi, si uu indhiisa ugu arko mushkiladda meesha taal. Askartii mid ka mid ah ayuu ku yiri: " Bal ninka meesha saar oo xiriga luqunta u geli." Askarigi markii uu amarkii Qarqoosh fuliyay, ayaa waxa Amiirkii u cadaatay in uu dembiiluhu ka gaabanyahay xiriga oo aan luquntiisu gaarayn.

Markay sidaasi u cadaatay, ayaa Qarqoosh askarigii ku jeestay. Wuxu ku yiri: "Askari, bal adigu is ag taag xariga.” Askarigii baa xarigii is ag taagay. Qarqoosh baa arkay in ay askarga luquntiisu gaarayso xariga. Halkii ayuu amar ku bixiyay oo yiri: "Mar haddii ay luquntiisi gaartay, askarigaba deldela!!!”

*************************************
Waxa Qarqoosh caado u ahayd in uu lacag uu ugu talo galay sadaqad sanadkii bixiyo. Taana dadkuu u talinayay way ugu barteen. Iyada oo taageeradaa doonaysa, ayaa waxa u timi haweenay sabool ah oo ninkii ka dhintay. Markaasaa waxay ku tiri, "Amiir, odaygaygii ayaa mar dhaweed dhintay, waxan kafan u siiyona ma hayo. Ilaahay khayr ha kuugu bedelee, waxan kafan ugu iibiyo sadaqadaad bixin jirtay iga sii. " Wuxuu haweenadii ku yiri, "Inaa lilaahi wa inaa ilayhi raajicuun. Waan ka xumay xilliga aad ii timi, oo lacagtii aan sadaqadda ugu talo galay waa dhamaatay. Markaa, sandaka dambe ii kaalay, haddii Alla yiraa!!!”