Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Trump Oo Shaaciyey Inu Ciidamadiisa Kala Baxayo Suuriya Iyo Madaxweyne Buutin Oo Yiri: Horu Ugu Xaytay Inu Ka Baxaayo Afgaanistaan Welina Keeb Buu La Yuurara

Thursday - December 20, 2018


Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay in ciidamadii ka joogay Suuriya ay halkaasi kala soo bixi doonto, Ma jirto waqti caayiman oo arrintan loo qabtay, balse mid ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in muddo 60 illa 100 maalmood gudahood ah ay dalkooda ku soo laaban doonaan.

Madaxwayne Trump ayaa bartiisa Tweetarka ku soo qoray in kooxda la baxday dowladda Islamka ee IS looga adkaaday dalka Suuriya islamarkana taasi ay ahayd sababtii ciidamada halkaasi loo geeyay, Balse qaar ka mid ah xubnaha Kongreska ee xisbiga Jamhuuriga ayaa cambaareeyay go’aankan.

Dagaalka ka dhanka ah kooxda la baxday dowladda Islamka ee gudaha Suuriya ayaa imika soo yaraaday, Waxayna ay ku sugan yihiin oo kali ah qaybo yar oo ka tirsan Koonfur bari dalkaasi Suuriya.

Madaxwayne Trump ayaa sheegay in kooxda Daacish looga adkaaday gudaha Suuriya islamarkana ciidamada halkaasi laga soo saari doono.

Saraakiisha Mareykanka kalama aysan cadayn tirada ciidamada Mareykanka ee laga soo saarayo halkaasi iyo waqtiga rasmiga ah, Mareykan ayaa waxaa Suuriya ka jooga 2000 oo askari.

Wararka qaar ayaa sheegaya in sida ugu dhaqsi badan ciidamada haalkaasi looga soo saari doono. hasa yeeshe Shaacinta warkan lama filaanka ah ayaa waxaa cambaareeyay qaar ka mid ah madaxda Mareykanka.

Marco Rubio oo ah Sanatar ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa sheegay in tallaabadani ay minjaxaabinayso dadaalada nabadda.

Mr Rubio ayaa intaa ku daray in haddii ciidamada Mareykanka laga soo saaro Suuriya ay taasi hoos u dhigayso galaangaalka Mareykanka uu ku leeyahay arrimaha Suuriya.

Dhinaca kale madaxweyne Butin ayaa dhiniciisa ka yiri: war la qabo xiiso ma leh oo sidaano kale ayaa horay mareykanka u yiri afgaanistaan waan ka baxaya mana ka bixin