Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Hay'ada Nabasugida Qaranka Oo Sheegtay Iney Qabatay Ruuxi Ka Dambeeyey Qaraxyadi Dhacay

Saturday - December 22, 2018


War ka soo baxay Hay’adda Nabad Suggida Somaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada NISA ay ku guuleysteen soo qabashada ruux ay ku sheegeen inuu ahaa hoggaamiyihii ka dambeeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho.

NISA qoraalka ay soo saartay waxa ay ku sheegtay hawlgal ciidanka ay sameeyeen in lagu soo qabtay Ruuxa ka dambeeyay labada qarax ee maanta ka dhacay Muqdisho.

Waxa kale oo NISA ay sheegtay in la soo qabtay ruuxii waday gaariga labaad ee ku qarxay Daljirka Daahsoon ee Magaalada Muqdisho oo inta uusan qarxin ka hor la qabtay ninkii waday.

Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ma aysan sheegin magaca qofka la soo qabtay ee ay sheegtay inuu ahaa maskaxdii ka dambeysay qaraxyada dhacay.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda laba qarax oo gaadiid loo adeegsaday oo mid ka mid ah lagu dhuftay Koontaroolka Ciidanka Koofi gaduuda ay ku leeyihiin Tiyaatarka Qaranka, halkaasi oo dad badan ay ku dhinteen.