Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Siyaasada Siigada Kicineysa .. Mucaaradki DF Ee Beesha Mudulood Oo Mogdisho Ku Yeelatay Shir Xasaasi Ah

Saturday - December 29, 2018


Xildhibaanada beesha Mudulood ugu jira labada aqal ee baarlamanka Soomaaliya, siyaasiyiin, aqoon-yahanno, iyo waxgarad kale ayaa shalay magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan xasaasi ah oo looga hadlay arrimo khuseeya beesha iyo gaar ahaan saluuga ka jira xaga dowladda federaalka.

Siyaasiyiinta Mudulood ee shirka ka qeybgalay ayaa waxaa ka mid ahaa: 
-Cali Mahdi Maxamed
-Nuur Xasan Xuseen (Nur Cadde)
-Cali Ugaas Cbadulle
-Xasan Sheekh Maxamuud
-Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab)
-Yuusuf Xuseen Jimcaale
-Cadde Gaabow 
-Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali
-Senator Muuse Suudi Yalaxow
- xildhibaan Maxamuud Abukaato iyo xubno kale oo Rag Iyo Dumar isugu jira

Xubnihii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in xaaladda uu dalku ku socdo iminka ay tahay keli-talisnimo, taasoo halis gelin-karta dowlad-nimada dib loo dhisayo ee Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu eedeeyey inay qaateen go’aano halis ah iyo inay awood u adeegsadeen dowlad Goboleedyada iyo mucaaradka kasoo horjeeda.
Xubnaha Mudulood ayaa sheegay inay ka digayaan ujeedka Farmaajo iyo Kheyre oo ay sheegeen inuu yahay inay talada sii heystaan.

Waxaa dhinaca odayaasha u hadlay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shirka ka sheegay inay xaaladda dalka ka tashan-doonaan, lana kulmi doonaan madaxda dowladda, wixii ka soo baxana ay dib ugu soo celin-doonaan shirka iyo Beesha Mudulood si ay go’aan uga qaataan.
Waxa uu kulanka ku dhammaaday iyadoo la isku afgartay in xaaladda dalku ku socdo iyo siyaasadda hoggaanka dowladda Federaalka ay u baahan tahay in degdeg wax looga qabto.