Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Sheeko Gaaban Oo Xikmadi Ku Jirto .. Dhagar Qabe Dhulka Ayaa U Dhaq-Dhaqaaqa Iyo Maalintey Runta Gaarto Waa ii Qarshay

Wednesday - January 16, 2019



Waqti Waqtiyada ka mid ayaa dhulka Somalidu degto waxa ku noolaa Waraabe aad u gaboobay oo talax gabbay godki hoygiisiina ka ruqaansan-kari waayey.
Maalin maalaha ka mida ayaa uu isugu yeeray wuxuu dhalay iyo waxay si dhaleen iyo kuwa ay si dhaleen aad u faro badan, meesha waxa joogay Waraabayaal badan oo tafiirtiisii ah wuxuuna Ku Yiri: “Aabbo, Awoowo waad i arkaysaan sidaan noqday waan talax iyo talaababa gabbay mana ugaarsan- karo mar dambe, gacanba maalinbaa la barkadaayo dhaaxaan ayaan Awr goola idiin dilay, dhaaxaan Laxo buurbuuran isu kiin dul saaray .. maanta waa maalintiinii aan idiin baahna, marka hore meeshan iga qaada oo i geeya meel ka calaf badan waad arkaysaan waxaan lafo dhex jiifo ugaartiina way ka yaacday halkan.

Caruurtiisii waxay yiraahdeen “hawraarsan Aabbo waad naga helaysaa dalabkaaga ee halkee ayaanu ku gaynaa”. Wuxuu yiri duq Waraabe: meesha aad jeceshihiin igeeya laakiin marka aad i qaadaysaan waa inay ahaato goor habeena oo aan iftiin jirin haddii kale waa la isku keen dul dili doonaa oo waxaa dadka la yiraa ina deyn mayaan.”

Caruurtii waxay ugu jawaab celiyeen ” hawraarsan iyo gudoon Aabbo”.
Waqti habeenkii kala bar tegey ayey Aabahood godkii ka soo saareen oo ay la yaaceen habeenkii oo dhan waxa ay wadaanba waxa ay geeyeen meel ay amaankeeda iyo calaf-keedaba Ku kalsoonaayeen.
Waagii markii uu beryey ayuu duqii soo kacay oo uu yiri Aabbo,Awoowo halkeed I dejiseen meeshan udgoon ee dhogorta Geelu godka kuugu soo gelaysaa maxay ahayd.
Waxay ugu jawaabeen Caruurtiisii ”Aabbo meeshan waa hawd iyo dhulki AXAN-WEYNE”
Odeygii oo an fariirsan ayaa ku dhawaaqay ” Axan-weyne aa!!! Waar maanta uun-baad wadkeygii ila soo doonateen meeshani 6 sanno ka hor waa meeshii aan is dul dhigay labada Qaalmood ee dhalaya Ninkii lahaa ee faaraxna koley wuu i deydayayaa mana uu samirin oo Geelba labadaasuu ka lahaaye Bi’waayee meesha iga qaaday”.

Caruurtii ayaa tiri “Oo aabbo halkeen Ku gaynaa hadda”.
Wuu yiri duqii “meeshii aad bidaan inay ii fiican-tahay manfac ahaan iyo Amaan ahaanba”.
Waa ay qaadeen wayna la guureeyeen, in doora markii ay socdeen ayaa ay dhigeen meel ay is bideen inay ku haboobtahay Aabbahood.
Odeygii ayaa weydiiyey “Aabbo halkee weeye meeshan dhogorta Cad ee Riyuhu ka soo duuleyso ee udgooni”.
Waxay ugu jawaabeen ” aabbo waa Sabool koriye iyo xeeb”.
Odeygii ayaa xoog u qayliyey oo yiri ” waar qoodhiin iyo xeradiin ma maanta ayaad Aabbihiin gacantiina wadkiisii ugu keenteen, meeshani Aniga iyo Awoowgiin ayaa habeen u soo dhacnay reer barwaaqo heesaya waxa aanu galnay xero ay Riyo ku jiraan 21 Riyaad oo 8 ay dhawaantaa dhalayeen,
qaar waanu bakhtiisanay si aanu maalmaha dambe raqdooda la noogu soo tuuro. Badankoodiina waanu cunay. Ninkii reerka lahaa wuxuu balan ku qaaday inuu marka uu ina qabto intiina toogto haduu naf inagu soo gaaro uu nolosha inagu gubo ee meesha iga qaada”.

Sidii hore oo kale Carruurtii Aabbahoodii gaboobay waa ay qaadeen oo mar sadexaad ayey yiraahdeen “halkanaa aabbaheen Ku haboon” oo ay dhigeen.
Cabaar ka dib ayuu odeygii su’aalay “Aabbo halkan ay dhogorta Lo’da ee udgooni ka uraysaa waa halkee aabbo”.
Carruurtii ayaa tiri ” waa bankii cadda iyo galbeedka galdogob”.
Odeygii ayaa intuu soo fariisatay yiri “Aabbo waxaan la soo fariistay naxdin iyo baqe aad u weyn meeshan aad I keenteen 5 sanno ka hore intii aanan waqooyi u dhaadhicin waxaan ku dilnay 7 Sac oo dhalay iyo weylahoodii oo aanan mid ka bixinin meesha hawl yari ma taalee iga kaxeeya aabbo duco-qabayaal”.
Caruurtiisii oo yaaban oo daalan dhinacna aabbahood aad u jecel ayaa yiri “Aabbo adigu sheego halka aanu Ku geyno ileen meel walba waadigan godobta iyo uur-ku-taalada dhigtee meeshii aanu Ku geynaba waa lagugu sugayaaye”.
Odeygii oo u ilmaynaaya ayaa yiri “Aabbo meelba garanmaayo meel walba aanno iyo dhib ayaan dhigay”.
Caruurtiisii ayaa ku tiri “Aabbo bal xasuuso meel aanad waxba ku cunin oo aynu Ku nabad galo”.
Odeygii oo wajiga hoos u rogaaya aadna u tiiraanyeysan ayaa yiri: Aabbo dhulka aynu lug Ku gaari-karno meel aan seegay ma jirtee i SIDA OO ILA MEERAYSTA UUN”.

Dulucda sheekadu waa hadii aad dadka wanaag gashato oo aad dhaqan fiican-tahay oo aad dadka u naxariisato waxaad la kulmi hadhow soo dhaweyn iyo wax wanaagsan.
Haddii ay dadku farta kugu fiiqaan oo ay yiraahdaan kaasi waa mid xun.waxaad la kulmi xumaan iyo wajiga oo lagaa dadbo