Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Konfurta Suudaan Oo 3-Bilood U Qabatay Somalida Iyo Ajaanibta Kale Ee Ku Nool Dalkaasi

Monday - January 7, 2019



War ay soo saartay dowlada Konfur Sudan ayaa muddo saddex Bilood ah loogu qabtay dadka Ajaanibta ah ee ku sugan dalkaas inay isku diiwaangeliyaan kuna qaataan Warqadaha ogolaanshaha shaqada.

Agaasimaha laanta Socdaalka dalka Koonfurta Suudaan John Akot ayaa sheegay in go’aankan uu billaabanayo maanta oo Isniin ah isla markaana saddex Bilood marka ay dhamaato qofkii aan is diiwaangelin si halhaleela lagu celin doono dalkiisa.

Waxaa uu John Akot sheegay in shan xarumood ay ka fureen dalka oo ay ka mid tahay Magaalada Jubba, si ay dadka isku diiwaangeliyaan una qaataan waraaqaha shaqada.