Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Shacabka: Kool-koolinti Farmaajo Oo Wuxu Ma Caynkaan-bu Ahaa? .. Xeredi Baarlamaanka Xuunshada Iyo Meel Marinta Xeerka Ajnabiga Lagu Shaqaaleeyey Oo Farha La Isu Qooyey

Monday - January 14, 2019



Waxaa Warar sugan ay xaqiijiyeen in meel marinta wax ka badelka xeerka Bankiga Dhexe iyo cida Hogaamineysa, waxaa la leeyahay sir hoose iyo dabino la xiray baa waayahaan jiray si loo ayido xeerka ayaa lacago badan Xukuumada ku bixisey in la ansixiyo Xeerkaan, waxaa kalo la tilmaamaya in mudo bil ku dhawaad meel marinta iyo khuukhinta xodxodada marsiinta xeerkaa ay ka shaqeynayeen xildhibaano markasta kabaha u sida Mr. Kheyre oo dantoodu un tahay beso-beeso

Waa hubaal ayaa la leeyahay in dhaqaale ay dawlada siisey Sanga-yaasha Gudoonka Baarlamaanka Golaha Shacabka si ay u fududeeyaan Meel marinta Xeerkaasi, waana mida keentay in Gudoomiye Mursal waanadi iyo taladi ay ula yimaadeen xildhibaanada qaarkood u diido, taaso u ka door biday dulmi hiilis iyo in ajeendadaan baarlamaanku si buuxda loo anshixiyo.

Guud ahaan shacabka Somaliyed mashriq iyo maqrib iyo meelkasta oo ay ku sugan-yihiin ayaa Af kala- qaad iyo is xajiimeyn ka soo haray, waxayna qaadan-la'yihiin oo aan looba fadhin sida Farmaajo iyo kheyre khiyamadoodi Badka isa soo dhigeen oo ku faanaya wixii laga xishoon jiray ee ahayd in dhaqaalaha iyo Bangiga Qaranka ajnabi maamulo, waxaa lala yaaban yahay sida ay salanka dheer ugu baxeen oo dib ugu soo kaajeen shacabki shalay doortay, waxaa la qaadan la'yahay oo qadar iyo qoomamo dhacay noqotay Khiyaamada la iska hoos baxay iyo sida dadkii iyo xildhibaanadi xaabo looga dhigtay oo la isu adeegsado, waxaana warku ku idil-yahay waxaad ceeb u taqaan Rag bey camalkood tahay .. Maanta go'aanka Farmaajo iyo Kheyre qaateen waa nasib daro, Berina wax kalo ka si daran ayaan maqli-doona ee warbaahinta ha ka fogaanina.