Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Gardareysi Rux Kula Yimi Iyo Garsoorki ilaah .. Tacdigi Iyo Wixii Meyd Qolfoof Aan Quburaha Lagu Gurin Ee U Ka Dambeeyey Cabdi iley Oo Maanta Laga Jaaseynaayo

Wednesday - January 30, 2019



Xeer ilaalyaha guud ee Itoobiya Berhanu Tsegaye, ayaa arbacadi 30/01/20019 sheegay in la soo gabagabeeyay baritaan uu xafiiska xeer ilalinta ku hayay mudooyinkaan Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, Baaritaankaaso qaatay muddo Shan bilood ah lana joogo waqtigi la maxkamadeyn lahaa eedeysana-yaashaas

Xeer ilaaliyaha ayaa ku soo Eedey Cabdi Moxamuud iley iyo 46 ka mida gacan-yaraashisi dambiyo ay ka mid yihiin Dhiiri-galin fitno, Dil, Barakicin iyo dhalandhool, Kufsi iyo Gubid Hanti dadwewyne. Xeer ilaaliyaha wuxuu kalo Eedeyntiisi daba dhigay in Cabdi iley iyo kooxdiisa ay si toosa u abaabuleen dhallinyaro ay ku magacaabeen Heego kuwaaso inta la hubeeyey ay dadka si gardareysi ah gawda ugu hayeen 

Gabagabadi warbixinti xeer ilaaliyaha ayaa ku nuux-nuuxsaday in Eedeysane Cabdi iley iyo kooxdiisa oo ka kooban 45 ruux dhawaan makamad la soo taagi-doono laguna soo oogi-doono falal arxan-daro ah oo gawricid ku jirto, waxaa kalo oo u xusay in 6 ka mida eedeysana-yaashaas iyo Cabdi iley xabsi ku Qabiran-yihiin halka 40 ka mida illa hadda ay baxsad yihiin. 

Cabadi Maxamuud Cumar ayaa Jigjiga laga soo xiray kadib Saddex maalmood oo xiriir ah oo rabshado ay dad ku dhinteen ka dhacayeen Dowlad deegaanka Soomaalida bishii Agoosto ee sanadkii 20018 ee ina dhaafay.
Cabdi Maxamud Cumar oo xilka Madaxweyne-nimo ee dowladda deegaanka Soomaalida Itoobiya hayay ku dhaaad 10 sano ayaa waxa la sheegay in dagaalo badan oo sokeeye oo isugu ka dambeeyay sidaas si lamid ahna uu amray go’aamo nafta lagu dhaafiyay dad ka aragti duwanaa.