Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Somaliya Waa La Faganayaa .. R/W Kheyre Oo Sidi Khamaar-Wale U Ciyaaray Awguul Yaa-Nasiib Hadal-na Haadkaas Baa Ka Haray .. London Iyo Shidalki Somaliya

Sunday - Feb 3, 2019


Waxaa maalmahaan goobaha bulshada Somalida lala tubanyahay hadal haynta dhaq-dhaqyada hadda ka socda London ee la yiri waxa lagu xaraashaya shidaalka Somaliya oo u gadaal ka riixaayo nin la yiraahdo Paal Kibsgard oo 51 jir ah dhalasho ahaana ka soo jeeda dalka Norwey, isla markaana hadda maareeye ka ah qayb ka mida shirkada Schlumber, shirkadaaso lagu yaqaan mid gor-walba shaarka badalata baarata hantida dalalka Buka sida Somaliya si ay bohol kula dhaadhacdo xuquuqdooda, waxaa kalo la soo ogaaday amase jirtaba in xiriir weyn oo saaxiib-tinimo u ka dhaxeyo Ninkaas Iyo Riisal Wasaare Xasan Cali Kheyre oo isagana la yiri arinta khamaarka xaraashka dhinac ayuu kaga laranyahay

Schulumber waa shirkad weyn ee Saliid iyo Shidaal sahminta dunida ka ganacsata, waxayna caan ku tahay iyadoo had iyo jeer Faas la dultaagan wadamada taagta daran ee colaada iyo Musuq-maasuqu halakeeyeen, isla markaa ku shaqeysata qaab hoose oo Qoris maris-nimo ah, 

Xaraashka Hadda ka socda London ee lagu khmaaraayo hantidi Somaliya micnaheeda waa is qadarin la'aan iyo Af duubida umadda somaliyeed waa Quraanjoy ku quuso, waayo ma jiro sharci iyo qawaanin u dhigan dalka oo xadadeysa heshiisyada noocaas ah, isla markaana dawladi dhexe ee boobkaa iyo musuqa ka hortagi lahayd iyadi baa asqo ku jirta oo seefti baa dhulka ka gashay, isla markaa dooneysa in qalad kasta ay ku jirto iney ku qurxiso Ubax guudka laga arko si wax loogu qaldo qalbigana dajisa.

Dhinaca kale xildhibaanadi golaha shacabka ummada mataleysay oo waxaaso dhan muran ka keeni lahayd ayaaba xaalkoodi noqday Lacagey Hadal, balse shaqadoodi waxay ku soo koobantay " Wanka Macasha ii Qabo Adigu Gawrac ii Mari Dhiigana Aan Muudsado"