Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

iLhaan Cumar Oo Sidi Electronic Waves Aan La Xukumi-Karin U Daara Maskaxdeeda Oo Ka Laabatay Warki Ay Ku Qortay Twitter-keeda

Tuesday - Feb 12, 2019



Ilhaan Cumar oo ah gabadh Soomaali ah oo dhawaan ka mid noqotay Aqalka Congresska ee dalka Maraykanka ayaa raali galin ka bixisay Twitter ay qortay oo tilmaamaya in xildhibaannada Maraykanku ay Israa’iil u taageeraan ururrada u ol’oleeya awgeed.

Cambarayn ballaaran iyo caga jugleyn ayay kala kulantay in ay tilmaantay in ururka AIPAC ee ay Yuhuuddu leeyihiin uu lacag ku bixiyo taageerada Israa’iil.

Xisbiyo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga iyo kan dimuqraadiga ayaa sheegay in Twitterkaasi uu sii hurinayo Yuhuud nacaybka .. Xildhibaannadan oo laga soo doorto Minnesota ayaa horay loogu eedeeyay Yuhuud nacayb, waxay kalo kumunitiga somalida ee cariga Mareykanka ku sugan in badan hadal ku deeqsiyeen iney joojiso wararka ay dhibsan-karaan jaaliyada Yuhuuda, laakiin waxaa muuqata iyadoon is ogeyn iney waxay doonto ku hadleyso

Ugu Dambeyn ilhaan ayaa baahisay qoraal ay “si cad” raali galin uga bixinayso Twitterkii Isniintii, arrintaas oo u muuqata in ay dhacday ka dib markii ay wada hadleen gudoomiyaha aqalka Congress-ka Nancy Pelosi

Waxay tiri: Yuhuud nacaybku waa wax dhab ah oo jira, waxaana abaal u hayaa xulafada Yuhuudda iyo saaxiibbada kale ee wax iiga bidhaamiyay taariikhda xanuunka badan ee Yuhuud nacaybka,
Waa in ayey Tiri:  uu markasta jiraa rabitaan ku saabsan in aad dib u istaagno aana ka fikirno dhaleecaynta la inoo soo jeediyo, sida aniguba aan u rajaynayo in dadku ay maqlaan marka kuwa kale ay aniga wax iga sheegaan.

Ilhaan waxay sheegtay in ay wali rumaysan tahay in kuwa ol’oleeya ay “dhibaato u keenaan” siyaasadda Maraykanka ama ha noqdo ururka Aipac ama NRA.