Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Way Na Xaqireen Anaguna Waan Yasnay Dhaqankooda .. Qisadi Boqorki Hindiya

Saturday - Feb 16, 2019


Boqorki Hindiya Boqr Jai Seing ayaa Sanadkii 1919 booqasho ku tegay magaalada London .. boqorkii isagoo dhex maraya Suuqyada London oo dhar caadi ah iyo go' shaal ah xiran ayuu si kedis ula kulmay goob lagu iibiyo baabuurta, wuxuuna ninki madaxa iibka ahaa weydiiyey noocayada baabuurta ugu danbeeyay iyo qiimahooda.

Ninki wax iibinaayey ayaa u qaatay inuu yahay Hindi faqiir ah oo busaaradeysan oo is yiri kan wakhtiga yuu ka luminaya waxaan uu ka eryay goobti Macradka ee gawaarida lagu iibinaayey .. Boqorki oo ciil la dikrinaaya ayaa ku laabtay Huteelkiisa ka dibna huteelka ayuu kala xiriiray si goobta baabuurta lagu iibiyo qaabilaad ugu sameeyaan, oo ma daama agaasinka huteelka ay ogaayeen inu boqor yahay waxay si dhaqso ah u fuliyeen codsigiisi

Markii u goobta tegayay wuxu sii xirtay dharkiisii quruxda iyo haybada lahaa, soo dhaweyn kadibna waxuu ka codsaday inay ka iibiyaan 10 Gaari oo nooca qaaliga ah ee ugu danbeeyay oo Rolls-Royce ah, ka dibna dalkiisa ayuu rartay.

Markii uu dalkiisa geeyay ayuu go’aansaday in gaadiidkan ku guro xashiishka iyo bulaacadaha  magaalada si uu  xaqiro goobtii baabuurta lagu iibinayay ee u haysta inay yihiin gaadiidka ugu danbeeyay.

Warbaahinta ayaa arinka ka war heshay oo si weyn u qaada dhigatay dhambaalo dirtay yaabka ay arkeen ilaa ay noqdeen hadal haynta gawaarida ugu caansan ee qashinka qaada taasi oo keentay in qiimahooda hoos u dhaco shirkaduna khasaaro ku gasho.

Shirkadi oo hayaay iyo qaylo dhigtay ayaa marki dambe cudur daar weyn siisay boqorki waxayna magdhow u siisay 7 Gaari oo kale iyagoo ka codsaday inuusan shirkada ceebeyn oo ka daayo baaburta qashinka uu ku qaadayo.