Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xikmadaha Waxaa Loogu Jeclyahay Kuwa Dadka Ka Qosliya .. Sheeko La Wariyey

Thursday - Feb 21, 2019



Waxaa la wariyey sheekada in islaan u soo baxday baadi-goobka Riyaheedi oo ka lumay, waxay ay kolba dhinac u meereysataba waxay ugu dambeyn ku soo baxday Oday weyn oo jidka dhiniciisa Shaah ku harsanaya .. Odeygu wuu dhago cuslaa iyada oo aanse darensaneyn in uu dhago culusyahay ayey weydiisay" Ma aragtay Riyo Baadi Ah"?

Odagu waxa u mooday in ay weydiineysay Ceelki Biyaha oo dhinaca ayuu gacanta ugu fiiqay .. islaanti inta ay u mahad-naqday ayey xagi dooxada u dhaqaaqday, halkaas baanay si lama filaan ah uga heshay Riyaheedi .. waxay heshay Riyhi oo bad-qaba Waxar oo Lug ka jabtay mooye .. intey Siinta ku soo qaaday ayey Riyihi soo kaxeysatay .. Waxay soo martay Odagi, kolkaas bey is ag taagtay si ay ugu mahad naqdo Riyaha uu u tilmaamay, waxay abaal uga dhigtay iney siiso Waxarti Lugta ka jabtay, laakiin Odagi dhagaha culusi muu fahmeyn waxa ay islaantu ku hadleyso, markii ay Waxarta xagiisa u soo fidisayna waxa uu u qaatay iney leedahay adigaa iga jabiyey oo ay dacweyneyso .. Aad baanu u xanaaqay oo yiri:  Aniga shaqo kuma lihi ayuu sare ugu dhawaaqay.


Islaanti ayaa Tiri: laakiin adigaa ii tilmaamay meesha ay joogaan, laakiin Odagi oo fiigsan oo codkiisa kor u qaadaya ayaa haddana yiri: Waa arin Riyaha oo dhan ku dhacda, aniguna shaqo kuma lihi.
islaanti ayaa tiri: Waxa aan ka soo helay halkii aad ii tilmaantay, waxaana doonaya in aan Waxrtaan abaal ku siiyo .. Odagi oo dhawaaqaya weli khalad fahamsan ayaa yiri: Ha ii caynin, aniga waxaraha ma jabiye .. Odagi isagoo careysan kolkaas islaanti dharbaaxay " orod oo iga tag anigu weligey Waxartaan ma arage" ayuu raacshay
Islaanti oo goobta dad ku soo xoomeen ayey ku tiri: Dadaw Ma arkeysaan in uu i dharbaaxay, Maxkamad ayaan ku dacweynaya .. Markaas ayaa islaanti Oo Waxarti Laa-laadineysa, Odagi dhagolaha ahaa iyo dadkiiba garsoorihi ugu tageen Maxkamada .. Garsoorihi baa u soo baxay si uu cabashadooda u dhageysto.

Ugu horeyn islaanti baa hadashay, Kadibna Odagi, kadibna Dadki .. Garsoorihi madaxa ayuu kor iyo hoos u ruxay oo hadalka Dadku micno uma sameyn waayo garsooraha sida Odayga ayuu isna dhaga cuslaa, weliba xaga araga indhaha wuu ka liitay .. Ugu dambeynti Garsoorihi intu hadalki xiray ayuu goaanki Garta dhiibay, waxuu yiri: Dadkiina xaasaska ahi inaad maxkamada iisa soo tubtaan ceeb bey ku tahay Boqorka .. wuxuu ku jeestay Odagi oo ku yiri: iminka laga bilaabo islaantaada ma dili-kartid .. Haddana islaanti Waxarta gacanta ku haysay buu ku jeensaday "Adiguna iska-daa caajiska oo Odaygaaga cuntada ha kala habsaamin, waxa u intaa raaciyey isaga oo indho darraanta darteed Waxarta moodaayey ilmo yar ayuu Yiri" ilmahaan yar ee aad wadatana ilaahay cimrigiisa ha dheereyo oo ha ka dhigo kii idin anfaca.
Dadkii oo fajac iyo anfariir ku dhacay oo cadaalada garsooruhu yaab galisay baa halki ku kala dareeray