Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

ilaahay Ha Noo Gargaaro .. Somaliya Maanta Meel U Fiyoobi Ma Jirto .. Hogaamiyaashi Dalka Oo Shacabki Dhigay Meel Laba Nololood U Dhaxeysa "Barrsakh" Oo Bidix Iyo Midig Loo Jeensan-Karin

Friday - Feb 22, 2019


Ummad waliba iyadu sida ay iska dhigto ayey ku dambeysa oo ummada kale ula dhaqmaan .. sida aad iska dhigto waa hadba sida aad u dadaasho, haddi aad tamartaadu uun noqoto Shaashada TV-ga uun ha lagaa daawado ee aan tiro mooye tayo lahayen, waayo-meysid bahalo ku yimaada oo lafaha ka feenta iyo Jiir ku afuufa qaniinyo dabadeed si uu kuula muuqdo in uu wax ku taraayo.

Waxaa waayahaan dambe la isla dhex qaadaya in Farmaajo iyo kheyre hogaamintoodi illa hadda ay laba sano ka soo wareegtay ma noqon hanaqaad, balse noqdeen Buste Qoyan oo kale, ugu dambeyn waxaa la isla dhex jibaaxaa in siyaasadi gudaha iyo dibada ay ka dhigeen Naafo iyado liidnimada ugu weyn ay noqotay in maanta Somaliya ay ku socoto in irdaha xuduudaha iyo daaqadaha nala ka xiro si aan wax noogu soo galin oo xitaa la isku dayo in layrka iyo ileyska qoraxda nala ka xanibo .. waxaase taas ka si daran oo dhalil ka jirta shacabka Somalida oo caado u tahay inu laba-codleeyo Shib ka ah sida wax u socdaan aan oran karin waxbaa khaldan iyo dadki oo aad moodo in dhawaaqi laga xiray ama la dhago beelay .. Barnaamijka Siyaasada Cadawgeena cusub waxaa udub-dhexaad u ah in Madaxda iyo Shacabka la jaan-jaamo iyada oo xabad lala dhacin, Qofkasta oo fakara taa lidi ku ah amase laga baqo in u sirta Jaan-jaaminta heli-karo si uun ayaa loo laaluusha ama looga takhalusa 

Somaliya balaayo iyo kuwa buufis qaba iyo qurbo joog khafiifay, ayaa dibada looga keenay welina lagu wada, balse kuwi waxtar u noqon-lahaa umadda oo talo iyo dhinac walba looga faaiideysan lahaa ayaa micno daro dibadaha isaga dhinta.

Waxaa la yiri sida adeegsiga muruqa iyo hubka loogu kala dhiiran yahay ayaa adeegsiga Maanka loogu kala daran yahay, guul walba oo dagaal laga gaaray waxaa abaabushay garasho miigan ha ahaato xeelad siyaasadeed ama mid cidane .. hogaamiyaasha dalka darajada garashadooda (IQ Scors) siday u fakarayaan iyo sidey u adeegsadaan awooda Maskax xita kuwi noo soo xulay iyo kuwa u dooda ma sheegi-karaan, balse cid-kasta oo hogaamiyaashaas rajo ka qabtay qaadan-waa ayey ku jiraan

Waxaa hubaal ah madaxweyne Maxamed Farmaajo wuxuu yahayba oo ila maanta laga ogyahay amase laga bartay wixii u socdaaladiisa caalamka kala kulmay ciddna waxba uma sheego walaa dawlo walaa shacab .. Sida ay sheegaan Wasiiro ka agdhaw isaga: lama arkin isago hindisa cusub maskaxdiisa ka raadinaaya, waxay yiraahdaan wixii horay loo baray ma kobciyo mana badalo, mana garto haddi xaaladu sidi hore ee lagu ogaa ka badalanto in isaguna mawqifkiisa badalo, balse halkiisi ayuu taagnaanaya oo ligliga haysta .. waa sida ay ka sheegeene haddi u la kulmo aragti cusub wuxuu ku qiimeeya wixii u horay u yiqiinay, taaso keentay in la waayo cid garata hawl-galkiisa sidu u miro dhalo .. sido kale waxaa agaasimayaal madaxtooyada laga xigtay: Ma aanu arag abid cid intu u yeeray u kala tashaday sida amuuraha taagan loola falgalo loogana fal celiyo gaar ahaan waxa gudo iyo dibad ka socda sida arinti khalijka, keenya iyo itoobiya.
Waxaa la arki jiray xarun madaxtooyo oo 24 saac shaqo joogta ah ku baraarugsan iyo ka faaiideysiga dadki hore ee arimaha murugsan Ehelka u ah waxtarka leh, isla markaana waxaa la arki jiray madaxtooyo maalin iyo habeen dadku galoobax ku jiraan, laakiin madax-tooyada maanta jidgooyada halkaas ka jirta yaab ayey leedahay oo inta badan ka bixideeda iyo soo galideeda dadka waa ka Zero, waxaaba la mooda hawsha iyo dhaq-dhaqaaq la'aanta ka jirta xafisyadaas ineyba u Afduuban-tahay Wiilasha naftooda la maal-gashaday ee Bombaanooyinka Kilkisha ku sita ee kolba goobta Xuural-caynta ku caashaqan isku qarxinaaya 

Qofka caqliga badan wuxuu ku dadaala inu dadka si joogta ah u qaabilo xikmada aruursado, hasa ahaate jaahilka wuxuu mooda inu xikmad ka dhargay .. arintu si kastaba ha ahaate sida muuqata in qaranka difaaciisa loo wada istaago waxaa ka horeysa in talada la wada yeesho oo taladiisu aaney koox gaara waayo-arag ahayen kooto ahaan ugu xirnaato masiirka umadda .. si wax u kala socdaan waa ila haboontahay in maanta ay noqoto dood umada dhex taal oo looga hadlo nimba sidey la tahay. 

Kii si kale u duwa waa yeelki iyo Gabagabo Farmaajo iyo khayrow waqtigu wuu is guraya, ficil-kiinana wuu ka maran-yahay biseyl maamul dawladeed oo hawshiini waxay ka badnaan-weyday warar dhiniciina loo xaglinaayo oo ku soo baxa Websiteyo macmila ee fadlan Buste-dadka ka baxa iyo inu waqti idin kaga lumo xanaaq lugula dhaco Mucaaradka, hana la joojiyo magacaabida kuwa xaalkoodu tahay Digdigle aan shaqada ehelka u ahayen .. Ha Naoqnina Doqonki Inta Inanta Loo Xareeyey Yiri: Alla Caasahaay Macaana.