Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Sheeko Lagu Qoray Baqdaad Qarnigi 1000-aad .. Suldaanki Naceybki Dumarka Qaaday Oo Mar Kale Noqday Suldaanki Wanaagsana Ee La Jeclaa

Sunday - Feb 24, 2019


Beri waxaa jiri jiray Suldaan nolol liibaan leh Qasrigiisa ku la noolaa marwo uu aad iyo aad u jeclaa. Aad ayuu u xannaanayn jiray ooridiisa, wax walbana wuu u huri jiray wanaageeda. Ha ahaatee nasiib-darro iyadu waxa ay ahayd qof xun oo aan daacad ahayn, waxaana ay xiriir qarsoon la lahayd Nin kale, Kolkii uu Suldaanku taa ogaaday inta uu muraara-dillaacay ayuu naagtii qoorta ka gooyay. Intaas uun ma aha ee haddii uu ahaan jiray suldaan wanaagsan oo jacayl badan, waxa uu noqday horor dhiig-yocab ah .. Suldaankii Nidar waxa uu ku galay weligii in aanu Naag dambe aamminin. Waxa uu caadaystay habeen kasta in Naag cusub loo soo hooyo, dabadeed aroorta kolka waagu beryo uu qoorta ka jaro.

Iyada oo xaalku sidaa yahay ayay gabar la yiraahdo Shahrasaad oo nin wasiir ahi dhalay soo jeedisay in iyada caawa Suldaanka loo guuriyo .. Waa la yaabay oo loo qaadan waayay, waxaana la mooday gabadhu in ay waalatay, waayo waa la ogaa haddii ay sidaas yeesho in ay aroorta xigta dhimanayso. Kolkii-se la qancin kari-waayay sidii ay doonaysay ayuu aabbaheed u yeelay oo isaga oo aad uga murugaysan suldaankii macangegga ahaa ayaa gabadhisi loo geeyay.

Gabadhu waxa ay ahayd qof garaad badan oo aan sheekayn-teeda laga xiiso dhicin. Haddaba habeenkaa kolkii qasrigii la geeyay, suldaankii waxa ay ka codsatay arrin qura taas oo ah habeenkaa nolosheeda ka hartay in uu u oggolaado walaasheed in ay halkan ugu timaaddo oo weheliso .. Suldaan-kuna wuu ka yeelay Dabadeed cawayskii Gabadhi waxa ay walaasheed ka codsatay in ay u sheekayso. Iyaduna, kollay waa wax la isla ogaaye, waxa ay u bilawday sheeko aad u xallad iyo xiise badan.

Suldaan-kuna wuu dhegaysanayaa. Haddaba Gabadhi gunaanadkii sheekada waxa ay dabada kaga gunudday sheeko kale oo iyaduna aad u xiise badan oo qabyo ah( kala dhiman). Waaberigii kolkii Suldaanka ninkii naagaha u dili jiray u yimid oo magaciisu ahaa Saruur, walaasheed dhulka ayay isla dhacday oo baroor ayay bilawday iyada oo Suldaanka ka baryaysa in uu maanta oo qura walaasheed dilka ka daayo si ay caawa sheekada qabyada ah ugu dhammayso. Isaguna wuu ka yeelay oo Gabadhi aroortaa dilkii wuu ka baajiyay, isaga oo sida muuqata laftiisa qisada qabyada ah aad u xiisaynaya. Sidaas ayay ku wadday habeen walba in ay sheeko macaan u mariso dabadeed waaberiga mid cusub oo qabyo ah ku gunuddo. Sidaas ayuu isaguna aroor kasta nolol ugu daayaa si ay habeenka xiga sheekada ugu sii waddo .. Waxa ay arrini socotaba, waxaa la isla gaaraay kun habeen iyo hal habeen oo ay uga soo sheekaysay kun sheeko iyo hal sheeko oo quruxda iyo xiisaha ka la daran.
Cishadii dambe Gabadha oo la oran jiray Shahrasaad suldaankii waxa ay u dhashay wiil Qurux badan. Dabadeed wuu jecladay oo guursaday. Maalintaa ka dib Suldaankii wuu ka bogsaday nacaybkii uu dumarka u hayay, waxa uuna mar kale noqday suldaankii wanaagsanaa ee la jeclaa.