Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Aafo Amaan Daro Ayaa Ka Socota Mogdisho Oo Shacabki Dirqi Iyo Kax Bey Ka Taagan-yihiin Nabada Faraha Ka Sii Baxaysa

Wednesday - Feb 27, 2019


Mogdisho- Waxaa maalmihii la soo dhaafay sii xumaanayay amaanka magaalada Muqdisho, waxaana qeybo kala duwan oo magaalada ka dhacay dilal qorsheesan taxana ah oo loo geestay masuuliyiin, saraakiil iyo waliba dad shacab ah.

Dilalka maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho ayaa ahaa kuwa qorsheesan oo dad gaar ah lagu bartilmaameed-sanayay , waxaana baxsaday ragii dilalkaasi fuliyay oo u badnaa dhalinyaro .

Ciidamada booliiska iyo nabadsugida Soomaaliya ayaa ku guul dareestay in ay gacanta ku soo dhigaan raga dilalka qorsheesan ka fuliya magaalada Muqdisho, waxaana inta badan goobaha dilalka ka dhacaan taagan ciidamo.

Shacabka magaalada Muqdisho iyo sidoo kale dadka kale ee dowlada u shaqeeya ayaa waxaa la soo darsay cabsi xoogan, waxayna dadka qaar galeen feejignaan dheeri ah halka kuwa kalana ay iska yareeyeen socodka si aan loo beegsan.

Magaalada Muqdisho waxaa ka howlgala ciidamo badan oo booliis ah, hasa ahaatee ciidanka ayaa inta badan ku sugan laamiyada iyo baro kale oo cayiman, waaana mida keentay in raga dilalka geesta sida ay rabaan uga howlgalaan qeybo kamid ah magaalada.