Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Saaka Waxa Jooga Mogdisho Iyo Soo Laba-Kacleynta Alshabaab .. Dab Ka Socda Goobti Qaraxu Ka Dhacay

Thursday - Feb 28, 2019


Dab ayaa ka kacay goobta qaraxa uu ka dhacay ee nawaaxiga Hotelka Maka al Mukarama, iyadoo dabka uu ku sii faafayo goobo ganacsi oo ku teedsan jidka qaraxu ka dhacay .. waxaana muuqata in Sharki shabaabka ay soo laba-kacleyeen

Dabka xoogiisa ayaa hadda wuxuu ka socdaa ka soo horjeedka Hotelka Maka Al Mukarama goobaha ganacsiga ee ka soo horjeeda.

Dhismooyin goobo ganacsi ayaa gubtay iyo gaadiid meesha yaalay, kuwaasi oo ku gubtay dabka ka dhashay qaraxa xoogan ee caawa ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa wuxuu ka dhacay agagaarka Hotelka Maka al Mukarama ee Magaalada Muqdisho, waxaana jira khasaare nafeed oo ka dhashay illa iyo hadda waxaa la tuhmaya in dhimashadu gaareyso labataneyo iyo dhaawac aan yareyn