Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Inaa Lilaahi Waa Inaa Ileyhi Raajicuun .. Waxaa Geeriyooday Looyarki Saboolada Garsoorihi Xaqa Ku Aadami Jiray Wasiir C. Xoosh Jibriil

Friday - March 8, 2019



ALLE ha u naxariistee waxaa si lama filaan ah u geeriyooday wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil ..  Digtoor Cabdiraxmaan Xoosh oo geeridiisa si weyn looga naxay waxaa u ku geeriyooda isbital ku yaalla magaalada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, halkaaso la dhigay kadib markii uu xanuun deg deg ah ku soo booday. laakiin inkasto mararka qaarkood la sheegi jiray inu xaga wadnaha ka sheegan jiray, hadana wixii ilaah qoray lama oga markay iimaaneyso mana la joojin-karo balse weli wax faah-faahin ah lagama bixin sababta geerida keentay .. Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil ayaa maal-mihii dhowaa u joogay magaalada Dubai inuu ka qeyb-galo arooska gabadhiisa

Waa suno Alaah SWT in Qofna dhasho midna dhinto midna dhisto  .. Marxuum Cabdiramaan Xoosh oo ahaa Geesi waqtigiisi ku dhameystay dano guud iyo sidu uga miro dhalin-lahaa wixii u aaminsanaa ee horumarka dalkiisa .. Digtoor Cabdiraxmaan Xoosh wuxuu door weyn ku lahaa nabadeynti Soomaalida oo uu safka hore kaga jiray sidoo kale wuxuu taariikh weyn ku lahaa halgankii dib u dhiska qaranimadi Somalia.

Marxuumku , waxa uu ahaa halyey qaran oo taariikh ku leh Ummadda Somali, qayb libaaxna ka soo qaatay halgankii loo soo galay dib ula soo noqoshadii xuriyada Somali ..  ilaahey ha u naxariisto, janatul firdowsana ha ka waraabiyo. hana ka yeelo inta liibaantay Dhamaan eheladii, qaraabadii, qoyskii uu ka geeriyooday iyo dhamaan umadda Soomaaliyeed Samir iyo iimaan Ilaahey ha ka siiyo .. anagana alla ha noo naxriisto Aamiin”