Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sida Diinta Islaamka Inoo Sheegtay .. 10-ka Xayawaan Ee Janada Galaya

Tuesday - March 12, 2019


Diinta islaamka waa diin qaali ah wana diin guda wayn wana tiin anan ka tagin waxii la soo dhafay iyo waxa hada taagaan iyo waxa soo socda toona waxa uuna Ilahay SWC ku cadeeyay kitaabka Qur’aanka Kariimka ah ayada ku jirta suuratul-Ancaam aayada 38 aad ee boga 5-aad taas oo ilahay ku cadeeyay in uusan kitaabka qur’aanka ah aduunka kaga tagin waxba oo dhamaan waxii hore iyo waxa hada joogaba iyo waxa soo socda ay ku jiraan .

Hadaba waxaan idiin soo gubinaya 10-ka xawayaan ee janada galaya kuwaas oo aan ku sheegi dooni mid waliba magaciisa iyo meesha uu ku arooro

1- Hashii Nabi Salah Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Waxaa wax laga xishoodo oo ceeb ah in ay hal geel ah ay jano gasha ninkii raacayayna uu naar galo taas micnaheedu adoonka alle waxa u ku caasayay allihi uumay oo ma uusan fulinin awaamirtii uu dul dhigay .

2- Dibigii Nabi Ibrahim Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
    Dibigii uu Nabi Ibrahim u qalay martidii rususha ahayd xiligii ay oogu bisharaynayeen ismaciil xili        uu Nabi Ibrahim ahaa wayeel da’ay soo food saartay.

3-  Wankii Nabi ismaaciil Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee

4-  Sicii Nabi Muuse Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
    Sicii Nabi Muse ee suurada dhan ee Al-baqara loogu magaca daray

5- Xuudkii Nabi Yuusni Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
    Waxa kamid ah Xuutkii Nabi Yoonis Liqay markii uu bada ku dhacay

6 - Dameerkii Nabi Caziiz Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
     Dameerkii Nabi Caziir Csw  oo ay qisadiisu ku jirto Suurada Al-Baqara Qisada Caziiz insha allah            Mar baan idiin soo gudbin doonaa

7- Quraan-jadii Nabi salemaan Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
    Qudhaan jadii Nabi saleemaan ka qoslisay kadib markii ay kusoo baxeen sulaymaan iyo junuudiisii        quranjadan oo godadkeedii kasoo baxday ayaa waxa uu maqalay nabi suleymaan iyada oo leh                  “quraan-jooy godadkiina ku noqda yaysan idin bur burinin sulaymaan iyo junuudiise kadibna nabi          Salemaan waa uu dhoola cadeeyay

8- Hud-hudkii Balqiisa
Hud-hud kan waxa uu kamid ahaa adeegayashii Nabi Suleeymaan CSW oo alle uu u sahlay u adeegida xayawaanaadka waxa uuna ahaa Hud-hudkan shinbirkii soo arkay dowaladii ay xukuntay Balqiiso oo xiligaas ahayd qoom Caabuda Qoraxada Hud-hud waxa uu ka mid ahaa xayawaanaadkii uu Nabi Sulemaynaa CSW u dhaartay in uu gowrici doono ama uu si un u ciqaabi doono hadii uu war sax ah keeni-wayay ama uu sheegi waayo meesha uu ku maqnaa ma uusan ogayn lakiin nasiib wanaag Hud-hud waxa uu keenay war wanaagsan kaas oo ahaa in uu soo arkay Balqiiso iyo qoomkeedii.

9- Aygii As-xaabul Kahfiga
Aygii wehelinayay As-xaabul Kahfigii loogu magic daray suratul Kahfi qisada Asxaabul kahfi way dheertahay hadii uu alle idmo waan idiin soo gudbin doonaa insha allah.

10- Hashii Nabigeena Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaatee
Hasha Nabigeenii Nabi Maxamed: N.N.D Hashii nabigeena waxay ahayd hasha uu gaadiidka ka dhigan jiray waxaana lagu magacaabi jiray Qaswaa.