Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Diinta Islaamka Oo Noqon-doonta Mid Aad Ugu Faafta Wadamada Yurub .. Maxaa Keenay Cabsida Cunsuriyiinta Yurub

Saturday - March 16, 2019


Cilmi baaris ay sameeyeen koox khuburo ah ayay ku soo bandhigeen warbixin ay ku sheegeen in Diintu ay Wadamada Reer galkeedbka ka soo dhamaaneyso iyagoo sheegay in tusaale ahaan wadanka Holland 40% dadka ku nool aysan wax diin ah haysan iyadoo la filayo sanadka 2050 in tiradaas ay gaarto boqolkiiba 70% .. Khuburadaas ayaa tilmaamey in ay macquul-tahay soo galootiga Muslimiinta ee wadamada Yurub ay wax ka badasho saadaashooda.

Hadaba arinta ugu muhiimsan oo ay cunsuriyiinta Yurub walwalka ugu weyn ka qabaan ayaa ah kororka diinta Islaamka ee Yurub iyadoo hada ay diinta Islaamku tahay mida ugu koboca badan wadamada Yurub .. Dadkooda diintii Kiristaanka way ka sii baxayaan iyagoo labo wado qaadaya. In ay diin oo dhan ka dheeraadaan iyo in ay Muslim noqdaan.

Arinta ku haysa cabsida weyn cunsuriyiinta ayaa ah in dadka Muslimka ah kuwa cusub iyo kuwii hore, dhalaan iyo waayeel ay ka mideysan yihiin tawxiidka, ay ka mideysan yihiin Quraanka marka loo barbar dhigo jahwareerka haysta Kiristaanka .. Cunsuriyiintu marka ay dhahaan waxaan ka soo horjeednaa Muslimiinta Xagjirka ah waa beentood, waxay ka soo horjeedaan oo cabsi ka qabaan guud ahaan Muslimiinta iyo diinta Islaamka.

Waxaa la aaminsanyahay sanadka 2050 in diinta Islaamku ay noqon doonto mid aad ugu faafta wadamada Yurub iyagoo hada cunsuriyiintu ugu jira dagaal sidii taas ay uga hortagi lahaayeen balse waxaa mucjiso ku noqotay in markasta oo ay naceyb ka dhan ah islaamka ku faafiyaan warbaahinta ay taas ku dhiiri galiso dadkooda in ay baaritaan ku sameeyaan Islaamka taasoo dhalisa in ay Muslim noqdaan.

kadib qaraxyadii September 11, 2001 Mareykanka lagu qaaday saxaafada reer galbeedku waxay guluf colaadeed ku qaadeen Islaamka iyagoo isku dayay in ay sawir foolxun ka bixiyaan Islaamka. Taasi waxay dhalisay in Malaayiin qof ay cilmi baaris ku sameeyaan Islaamka si ay u ogaadaan waxyaabaha laga sheegayo taasoo sii dhalisay in dad aad u fara badan ay Diinta Islaamka soo galaan, wadanka Ingiriiska keliya ayaa 100,000 qof diinta Islaamka soo galeen 10kii sano ee la soo dhaafay.

Tani macnaheeda ma ahan in jeceel naloo qabo, Muslimiinta ku nool Yurub waxaa loo hayaa cadaawad weyn. Cunsuriyiinta ayaa xitaa hada ku talinaya in sharciyada dowladaha Yurub wax laga badalo si loo yareeyo xoriyada diinta Muslimiinta oo looga hortago waxa ay ugu yeeraan “Islaameynta Yurub”.

Muslimiinta ku nool Yurub waxaa waajib ku ah in ay tusaale fiican u noqdaan bulshada inteeda kale oo ay Islaamka ku soo jiidaan dadka qalbigooda nadiifka yahay, waxaan taas ku gaari karnaa inagoo ku dhaqana Islaamka dhabta ah, kana fogaana wixii lidi ku ah diinteena.

Waxaa muhiim ah in Muslimiintu aysan wax weyn ka so qaadin daandaansiga cunsuriyiinta oo isku dayaya in ay kiciyaan shucuurta Muslimiinta si ay farta noogu fiiqaan oo dhahaan “Ma aragtaan Muslimiintu waa dad waalan oo dagaal keliya garanaya”  Dagaal laguma faafin diinta Islaamka ee waxay ku faaftay tusaale wanaagsan iyo ilaahay amarkiis.