Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Taariikhda Aan Barano Iyada Ina tuseysa Aduunyada Waayaheeda .. Maxaad Kala Socota Fikirki Khiyaaliga Ahaa Ee Kacbada Lagu Qabsaday Sanadki 1979

Thursday - March 21, 2019



Nin la oran jiray Juheymaan Al-Cuteyba oo ahaa nin karti badan cod kar ah aadna soo jiidasho lahaa (charismatic) waxaase naftiisa ku qarsooneyd cuqdad taariikheed oo uu u hayey Boqortooyada al-Sacuud, laakiin ma ahayn nin aqoon badan oo waxbarashada wax uu kaga saaqdiday Dugsiga hoose, dhawr iyo toban sano ayuu ahaa askari.

Maalin maalamaha ka mida Juheymaan waxa u keenay fikrad lagu xaqiijinaayo imaatinka Mahdigi la sugaayey, waxaa u soo jeediyey in Maxamed Cabdulle Al-qaxdaani oo raga ugu cilmi badnaa saaxiibna la ahaa shiikh Ibn Baaz ay ka dhigaan Mahdigi, laakiin Maxamed Cabdale al-Qaxdaani  oo xidid ahaayeen oo walaashi qabay ayaa arintaa aad uga madax adeygay isaga oo sheegaaya in aanu ku qanacsaneyn in u isagu Mahdigi yahay, laakiin seedigiisi juheyman kartida badnaa ayaa ugu dambeyn ogoleysiiyey, dabadeed waxaa la abaabulay sidii ficiil ahaan Mahdi-nimadi loo fulin lahaa ee dunida loo gaarsin-lahaa.

Qorshihi oo la bilaabay ayaa nin waliba waxii uu hanti lahaa hub ku iibsaday, waayo qaddiyaddan ayay ka dhigteen guul ama guuldarro. Ugu dambayn wax ay is ku heleen 200 oo nin oo ka soo ka la jeeda 12 waddan. Ballanta wax ay ka dhigteen aroorta sannadka cusub ee Islaamka, 1/1/1400, oo ku beegan 20 Nofeembar 1979 .. Hubka oo ahaa qoryaha gacanta iyo baastoolado ayay ku soo qariyeen Naxashyada maydka lagu qaado oo Masjidka Xaramka soo geliyeen salaaddii subax, iyaga oo ka dhigaya maydad lagu tukan-doono.
 
Markii imaamkii salaamo naqsaday ayay masaajidka ka dhex kaceen oo qaarkood iridihii xireen .. qaarkood Manaaradaha hubkii la koreen .. kooxdii Mahdiguna safkii hore ka kacday oo makarafoonkii la wareegtay. Halkaa wax ay ka akhriyeen warqadoodii kowaad oo ay ku sheegayaan Maxamed Cabdalle al-Qaxdaani in uu yahay Mahdigii la sugayay, ayna tahay in loo mubaayacoodo (Khaliifnimadiisa la aqbalo). Khudbaddaa oo samaacadaha ka baxaysay debedda waa la wada maqlay.

Dadweynihii masjidka ku tukanayay qayb ka mid ahi waa ay dareertay, laakiin dad aan ka yarayn boqol kun baa soo haray oo Mahdiga u mubaayacooday, qof ay baqdin ka ahayd iyo qof rumaystayba. 

Dawladdii Al-Sacuud argagax baa ku dhacay, tallaabadii ay qaadi lahayd ayayna garan wayday, waayo ma bannaana Xaramka in lagu dagaallamo iyo in dhiig lagu daadiyo. Laakiin wadaadadii ayaa fadwo laga soo qaaraamay. Sidaas baa lagu weeraray laba toddobaad ka dib 10-barqannimo 4 Diseembar. Waxaa dagaalka ka qayb qaatay ciidamo Bakistaan iyo Faransiis ah. Xeeladaha lagula dagaallamay waxaa ka mid ahayd in meelo sare oo masaajidka ah in la dalooliyo dabadeed qiiqa dadka kaga ilmaysiiya lagaga soo afuufo.

Hoggaamiyahoodii Maxamed Cabdalle wax uu ka mid noqday raggii u gu horreeyay ee la dilay, dabadeed nimankii meesha qabsaday waxaa ku dhacday hadaf la’aan ay garan waayeen wax dambe oo ay u sii dagaalamaan .. Raashinkii iyo hubkiina dabcan waa ay ku gabaabsiyeen. Dabadeed niyad-jab weyn baa ku dhacay. Sidaas buu dagaalku galabtiiba ku dhammaaday .. 28 nin baa laga dilay uu ku jiro Mahdigoodii. Intoodii kale waa la qab-qabtay, 61 nin oo uu ku jiro Jaheeymaan ayaana dil lagu xukumay, maalmo yar ka dib baana lagu laayay faras-magaalaha Afar magaalo oo waaweyn. Intii kalena xabsiga ayaa lagu guray. Sidaas buu fikirkoodii khiyaaiga ahaa ku dabargo’ay oo maanta ma jiro.