Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Mike Pence Waa Nin Gumoobay Oo Sida Tukaha Qalaadaya .. Ilhaan Cumar Kun Nin Weeye Oo La Isku Soo Kabay

Tuesday - March 26, 2019



Madaxweyne Kuxigeenka dalka Mareykanka Mike Pence ayaa ku biiray dagaalka afka ah ee ka dhanka Haweeneyda asalkeeda Soomaaliga yahay ee katirsan Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar.

Mike Pence ayaa talo ahaan u soo jeediyay in Xildhibaan Ilhaan Cumar laga saaro Guddiga xiriirka dibadda ee Golaha aqalka hoose ee Mareykanka, isagoo arintaasna sabab uga dhigay inay dadka Mareykanka ka dhex bilowday isir neceyb iyo kala sooc.

Madaxweyne Kuxigeenka Mareykanka oo hadal ka jeediyay kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda Israa’iliyiinta Mareykanka ee AIPAC ayaa ku eedeeyay Ilhaan inay wado sidii ay u kala fogeyn laheyd Mareykanka iyo Israa’iil.

“Waxey ku dadaaleysaa sidii Mareykanka uu u necbaan lahaa Israa’iil, waxaase u sheegayaa in labada dal aysan laheyn xiriir oo kaliya, balse ay yihiin hal qoys” ayuu yiri Pence.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa isniinta shalay ku dhawaaqay in si rasmi ah uu ugu aqoonsan yahay buuraha Golan Heights in ay leedahay Israel, xilli Ra’isul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu uu booqasho ku tagay aqalka cad ee Mareykanka.

Ilhaan Cumar ayaa dhowr jeer cambaareysay deegaameynta ay Israa’iilka ka wado dhulka ay xoogga ku heysato ee reer Falastiin, waxaa kale oo ay barteeda Twitter-ka ku sheegtay in Mareykanka uusan ahayn meel dalal gaar ah lagu naasnuujiyo.