Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Anigaa Taabsaday Maanta iib Galimeyso .. Dhulki Ciidamada Mariino Ee U Taabsaday Senator Muuse Suudi Oo Muran Ka Aloosmay

Tuesday - April 2, 2019



Wararka laga helayo degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya iney jirto xiisad laga cabsi qabo iney gacan ka hadal isu bedesho, taasoo u dhexeysa Ciidamada dowladda iyo Ciidamo taabacsan Senator Muuse Suudi Yalaxoow oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Sida wararku sheegayaan xiisadan cusub waxa ay daba socotaa amarkii ka soo baxay bishii hore Guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), kaasoo ahaa in la isaga guuro xerada Mariino ee ciidanka Badda Soomaaliya.

Xiisadan ayaa soo xoogeysatay kaddib markii uu fashilmay labo isku day oo lagu doonayay in Senatorka lagu qanciyo inuu xerada isaga guuro, isagoo xubno isaga wakiil ka ah ay la kulmeen habeen ka hor Madaxweyne Farmaajo iyo kulan uu Guddoomiyaha Aqalka Sare isugu keenay Duqa Muqdisho iyo Muuse Suudi Yalaxoow, waloow wax natiijo ah aan ka soo bixin kulmadaas.

C/qaadir Maxamuud Maxamed oo ka mid ah Odayaasha degmada Kaaraan derisna la’ah Senatorka ayaa Warbaahinta gudaha u sheegay in xaafada maalmihii dambe ay ku soo qulqulayaan Ciidan badan oo gaadiidka dagaalka wata, kuwaasoo dhaq dhaqaaq ka bilaabay xaafada, waxaana Ciidanka keensaday Senatorka.

Muuse Suudi ayaa isaga ku adnacoonaya in dowladdihii hore ay siiyeen dhulkaas, isla markaana uu heysto Document ay u saxiixeen Madaxdii hore ee dalka, maadaama horay dowladdii C/llaahi Yuusuf ugu wareejiyay hubkiisa, looguna bedelay xarunta uu dgean yahay.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa bishii hore soo saaray amar ku saabsan in laga guuro Xero Mariino oo ay laheyd Ciidamad Badda, waxaana dhulkaas dhistay Saraakiil ciidan, Mas’uuliyiin iyo Xildhibaano.