Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Fikirki Iyo Noloshi Quruumihi Hore .. Arraweelo Waa Boqorad U Halgantay Simida Raga Iyo Dumarka Oo Raga Xukun Ku Qabsatay Colaad Kululi Dhex Martay

Thursday - April 4, 2019



Waxaa la yirdraahdaa:Arraweelo waxa ay ahayd boqorad awooddii talada ragga xoog kaga maroorsatay. Si ay xukunka u haysato, isla markaa haweenka Raga uga saraysiiso, waxa ay go’aan ku gaartay in ay Ragga dhufaanto. Kuwo ay dhufaantay ayaa ciidan u ahaa oo kuwa weli qoora ah kula dagaallami jirtay. Waxaa-se sutida u qabtay Oday garasho badnaa oo la odran jiray Oday Biiqay.

Soomaalidu waxa ay isku raacsan tahay Arraweelo in ay ahayd boqorad dhab u jirtay xilli aad u fog. Dhagxaan aad loo tuuray oo loo yaqaan Taallada Arraweelo ama Taallo Tirriyaad ayaa dhulka soomaalida degto badankiisa lagu arkaa, waxaana la sheegaa waxaasi in ay yihiin raadad ka haray Boqortooyadii Arraweelo.

 Sidaa darteed waxa ay u eg tahay boqorad rag xukunka ku qabsaday colaad kululi dhex martay. Ha yeeshee fikirkeedu in uu ahaa in ay Ragga oo dhan dhufaanto garashada ayaa diidaysa, waxa ayna ka hor imanaysaa abuurta dadka. Waa mare, in ay Ragga wada dhufaanto macnaheedu waa in ay bulshadeeda dabargo u qoondaysay, iyada oo ay dadkii hore awood walba saari jireen tarankooda. Waa marka labaade, haweenka kale Arraweelo talo-xumadaa garab ku ma ay siiyeen.

Sidaa darteed qisada runteedu waa in ay Arraweelo niman taladeeda diiday ama damcay in ay xukunka ka ridaan la dagaallantay. Markaa koodii ay qabato in ay dhufaanto iyo in ay dishaa waa isku mid. Waxaa kale oo run noqon karta Arraweelo markii ay aragtay sida Raggu u liidayo ee talada ugu quuri la' yihiin in ay haweenka dhiiri gelisay si ay taageero uga hesho. Waa taas ujeeddada ay u leedahay: "Waxa ay Ragu doonayaan diida xitaa haddii aad doonaysaan, waxa ay diidayaanna doona xitaa haddii aad diidaysaan." Markaa Arraweelo waxa ay ahaan kartaa qof u halgamaysay simidda Raga iyo Dumarka, laakiin ay kuwii xukunka kula loollamay magaca ogaan uga dileen oo kaga been sheegeen in ay Raga wada dhufaani rabtay.