Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Trump Oo La Yaabsan Ordugaanka Jeclaan Waayey .. Turkiga Oo Markaan Bartanka U Fariistay Is Bahaysiga iiraan Iyo Ruush

Wednesday - April 17, 2019



Washinton - Xukuumadda Turkiga ayaa sheegtay in maamulka Madaxweyne Donald Trump aanu cunaqabateynin Turkiga haddii ay Shiidaalka ka soo qaataan dalka Iiraan iyo isla markaana hub ka soo iibsadaan Ruushka.
Afhayeenka Madaxweynaha Turkiga Mr. Ibrahim Kalin ayaa sheegay inaanu filaynin in Maraykanku uu cuna-qabateeyo Turkiga, hase ahaatee ay diyaarsadeen qorshe adag oo ay arrintaas ku wajahayaan haddii ay dhacdo.
Dawladda Turkiga ayaa sawaariikhda S-400 ka iibsatay dalka Ruushka, taasina waxay sababtay in xiisadi soo kala dhex gasho cilaaqaadkii Maraykanka iyo Turkiga taaso keentay inTrump Uu kuleyl la jiifsado

Turkiga ayaa doonaya inuu shiidaal ka soo iibsado Iiraan bisha dambe, waxaanay wadaan dhaq-dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo ay doonayaan inay kaga badbaadaan cunaqabateyn Maraykanku ku soo rogo.