Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dulqaad Iyo Kala Dambeyn Qofki Dan-yar Bey Ku Hartay .. Madaxweynihi Hore Ee Maamulka Oromada Lemma Megresa Oo Laga Dhigay Wasiirka Gaashandhiga

Thursday - April 18, 2019


Ra’isul Wasaaraha Dowlada Itoobiya Abiy Axmed ayaa magacaabay Sadex Wasiir oo kamid noqonaya Xukuumadiisa cusub, waxa uuna xilal Wasiiro u magacaabay Siyaasiyiin caan ka ah gudaha Itoobiya.

Abiy Axmed ayaa Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga Itoobiya u magacaabay Lemma Megresa oo ahaa Madaxweynihii hore Ismaamulka Oromada , waxa uuna ninkan kamid yahay siyaasiyiinta caanka ka ah Itoobiya sidoo kale saameynta ku leh.

Ra’isul Wasaare Abiy Axmed ayaa sidoo kale magaacabay Wasiirka cusub ee Wasaarada Arimaha Dibadda , waxa uuna xilkaasi u magacaabay Madaxweynihii hore ee maamulka Amxaarada Gedu Andargachew.

Abiy Axmed ayaa sidoo kale u magaacabay Eng. Aish Mohammed in ay noqoto wasiirka cusub ee Wasaarada Horumarinta iyo dhismaha dalkaasi, waxaana Wasiiradan cusub ee la magacaabay ansixiyay Baarlamaanka Itoobiya.

Ra;isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo dareemay culees siyaasadeed oo gudaha ayaa la sheegay in ay ku kaliftay in siyaasiyiintan caanka ah ku abaal mariyo Wasaarada ugu muhiimsan ee xukuumadiisa ee kala ah Gaashaandhiga iyo Arimaha Dibadda.