Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 17 April 2024

Wanaaga Dadka Ceebta Astura .. Iyado Uur Leh Buu Guursaday, Muusan Furine Balse Wax Dadka La Yaabaan Buu Sameeyey

Saturday - April 27, 2019



Ninkaani wuxuu yiri: Waxaan guursaday Gabar marki aan guri geystay waxaan arkay iney leedahay Uur dhawr bilood ah oo aanan anigu lahayen .. Runti aad baan u naxay waxayna igu noqotay argagax iyo Af kala qaad .. ilaahay ceebteena ha asture aniganba waan u ceeb qariyey oo ehel-keeda iyo Ehel-keygaba  waan u diiday in xaaskeyga booqasho loogu imaado si aan ceebteeda loo ogaan.

Waxaa la gaaray xiligi foosha waxaan ugu yeeray umuliso aan tuulo kale ka keenay waana la umuliyey, marki ay umushay cunugi ayaan soo qaaday waxay ahayd aroor hore oo ay soo dhawaaday salaada subax, cunugi ayaan dhigay irida Masjidka anigana gudaha Masjidka ayaan u gudbay waxaan tukaday salaad suna ah.

Waxaan u soo baxay banaanki waxaan arkay cunugi yara oo dadki xaafada ku xoonsan-yihiin, isna weydiinayaan cida soo dhigtay, cunugi waan soo qabtay oo dadki goobta aayar ku dhahay wiilkaan hooyadiis ceeb dartiis bey isaga soo fogeysay oo saas darteed aniga qadanaya oo kafaalo qaadaya gurigeygaan ku korsnaya waxaan ku markhaatiyey dadki goob jooga ahaa.

Kadib xaaskeygi ayaan tuulo kale u waday markhaatiyaal cusub iyo shiikh cusub ayaan ula tagay oo mar kale laygu meheriyey .. Hadda waa xaaskeygi waxay ii dhashay ilmo badan naxariisti aan iyada u sameeyey waxay igu abaal guday inay igu nooleyso Jano aduun, aakhirana ilahay waxaan ka baryayaa in uu janadiisa nagu kulmiyo aniga iyo xaaskeyga .. Alxamdu-lilaah haddana waxaan ku jirna nolol wanaagsan.
Shiikh caalim ah oo waliba imaam ah ayaa wuxuu Riyo ku arkay ninka qisadaani ku dhacday isagoo janada dhex jooga, waana shiikha qisada sidey u dhacday ka waramay.

Ugu dambeysti qisadaan waxaan ka fahmeynaa in marka aad asturto ceeb qof kale leeyahay adigana ilaahay wuxuu asturay 10 ceebood oo aad leedahay.


hits Hits : 2218