Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 16 April 2024

Waa qiiso Lagu Cibrad Qaato .. Oohinteeda Ayaa Oohin Iga Keeni Gaartay

Friday - May 24, 2019



Shiikh ku xeel-dheer fasiiraada Riyooyinka oo lagu magacaabo Shiikh Wasiim Yuusuf, ayaa waxaa uu ka waramay arin ku dhacday .. Wuxuu hadalkiisi ku bilaabay: Haweyney ayaa ila soo xariirtay way Ooyneysay, oo muragada tiic-tiicda ilaah baan ku dhaartee iyo oohinteeda ka muuqata ayaa oohin iga keeni gaartay .. Markaas ayaan ku iri: Walaashaey nafta adkee oohintana yare si aan ku maqlo, kolkaas ku iri maxaa kugu dhacay? .. Waxay tiri: dambi dhaaf ma leeyahay aniga? kolkaas ayuu shiikhi yiri: Dambi dhafka maxaad sameysay?

Waxay tiri: Aniga iyo Ninkeyga ayaa dhib inaga dhex dhacday .. Shiikhi baa yiri: Bal ii sheeg? kolkaas ayey tiri: Aniga waxaan fadhiyey barandada guriga( Daashka) anigoo ku hurgufaya canaan waxaan ku iri: adiga haddi aad Nin tahay ifur sharaf ma lihide, ifur haddi aad sharaf leedahay, isaguna xageyga ayuu markas indho kulul igu soo eegay .. kadib waxaan iri: Walaahay ciyaalkeyga ayaan wadanaya oo albaabka maxkamada ayaan kugu ceebeynaya, caruurtaadana heli-meysid, oo Usbuucina hal maalin ka badan arki-meysid, intaa kadib haddana wuu ii soo fiiriyey, kadib waxaan dhahay ii jawaab adiga nin Raga ma Tihide.

Marku aamusay dareen cabsi baa ii gashay oo markii aan xagiisa aadeyna nafta weyba ka baxday, isla markiiba Ambalaasta ayaan la xariiray wey yimaadeen oo qaadeen .. baaris kadib Takhaatirtiina waxay sheegeen iney maskaxdiisa istaagtay, halkaas waxaan ku dareemay inuu u adkeysan waayey hadaladi aan ku iri .. Haddaba shiikhow Toobad ma ii banaantahay ma daama Ciyaalkeyga aan aniga agoon ka dhigay, sido kale Raga iyo Dumarka ma dareemaan nicmooyinka alle siiyey ilaa ay waayaan.

Shiikhi marku intaas ka dhageystay haweyneydi ayaa wuxuu yiri: Sheekadaan markaan maqlay waan gariiray, waxaan iri: Alle waxaann ka baryaa imtixaanka lagu imtixaamay inuu nagu imtixaanin ee Tobad keen .. Naag dhaheysa ninkeeda nin Raga ma tihid sharaf haddi aad leedahay ifur, Naebigu CSW wuxuu ka yiri: Haweyneyda Ninkeeda furin ka dalabta dhib la'aan ( sabab la'aan) waa ka xaaraan Carafta Janada