Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Akhbaarti Zamaanka .. Qisadi Dhex Martay Nabi Daauud CS Iyo Adoonki Gurigiisa Ku Soo Galay Amar La'aanta Ee Yiri Aniga Kama Haybeysto Boqorada

Saturday - May 25, 2019



Sida Ay Qabaan dadka ku xeel dheer abtirsiinyaha Daawuud wuxuu nasab ahaan taxanyahay illa laga gaaro Yahuuda bin Yacquub bin Isxaaq Bin Ibraahim .. Sida la sheegay Daauud wuxuu ahaa Nin gaaban, oo leh indho bulug ah iyo timo yar, Qalbi daahir ah oo ka fayow xumaan oo idil oo saafi ah.

Sida La Xusay Alle Daawuud wuxuu siiyey cod wanaagsan, markii uu akhriyaba kitaabkiisa, Shimbiraha waxay ku istaagi jireen hawada iyagoo ka jiibinaaya oo hufaya Alle la jirkiisa, Buurahana sido kale waxay kula jireen Alle ammaan iyo hufid, subax iyo galab walba .. Nabi Maxammed SCW wuxuu maqlay codka Abu- Muusaa Al-Ashcari, isagoo akhrinaaya Quraanka oo yiri "Abuu Muuse waxaa la siiyey qaar ka mid ah macaanka Codkii Daauud" waxaa halkaan loola jeeda Quraanka kitaabkiisi la yiraahdo Az-Zabuur uu Alle u wax-yooday Daauud, wuxuu ku akhrin jiray Zabuurka waqti inta laga diyaarinaayo Farasiiska, waxay ahayd akhrin deg deg ah oo ay la socoto faham uu Alle siiyey.
Alle wuxuu yiri: "waxaan ka yeelnay boqor-tooyadiisi mid adag oo siinay xikmad iyo garsoor wanaagsan xagga hadalka iyo go'aanka" Yacni waxaa la siiyey boqortooyo weyn iyo xukuumad awood badan.

Maallin maalmaha ka mid ah laba Nin ayaa ugu gar dhigatay Nabi Daauud arin ku saabsan Sac, Nin baa sheegay in Ninka kale uu kaga Qaatay xoog Sacaa. laakiinse ninkii lagu soo eedeeyey waa dafiray, Markaasuu Daauud kiiskii dib u dhigay arinka illa habeenka, markii la gaaray habeenkii. Alle wuxuu u waxyooday Daauuud inuu dilo kan soo dacwooday .. Markii uu waaga baryey, Daauud wuxuu ku yiri soo dacwoodihii: Alle wuxuu ii waxyooday inaan ku dilo, waana ku dilayaa shaki la'aan. ee hadaba iiga sheeg runta dacwadaada? Ninkii wuxuu yiri Walaahi Rasuul Allow waa xaq waxa aan sheegtay? laakiinse waxaan dilay aabahi ka hot taas. Daawuud wuxuu amar ku bixiyey in la dilo .. arinkaan kadib xukunkii Daawuud waxaa aad looga aqoonsaday reer banii Israaiil dhexdooda.

Dhimashadi Daawuud: Abuu- Hurayrah xaga arinka dhimashada Nabi Daawuud wuxuu ka soo wariyey nabi Maxammed CSW sidatan: " Daawuud wuxuu ku dadaali jiray inuu xafido oo dhowro reerkiisa sidaas awgeed marka uu ka baxayo guriga wuxuu xiri jiray albaabka, si aanay cidna awood ugu yeelan inay soo gasho gurigiisa tan iyo inta uu ka soo laabanaayo. 
Nabi Daauud, maalin wuxuu uu baxay debada, oo xiray albaabkii, kedis ahaan xaaskiisa waxay ku aragtay nin taagan guriga dhexdiisa, markaasay ku tiri xubnihi kale ee guriga joogay: sidee buu Ninkaani ku soo galay guriga isagoo uu albaabka xiran yahay? waxay xubnihii yiraadeen Wallaahi waan ku ceeboobeynaa Daawuud . Markii uu Daawuud yimid wuxuu arkay Nin taagan guriga dhexdiisa markaasu weydiiyey: kumaad tahay? wuxuu yiri: waxaan ahay midka aan ka haybeysan Boqor oo aan cidnana iskay hortaagi karin. Dawuud wuxuu Yiri:Hadaba wax kale ma ahide waxaad tahay Malakul-mowd ee ku soo dhowow amarka Alle. markaasuu joogay ilaa uu ka soo saaray nafta jirkiisa .. Waqtigaas oo Qoraxdu aad u kululeyd ayaa Saleemaan oo wiilkiisi ah amray shimbiriihii oo ku yiri:" Har siiya Daawuud. markii ay sidaas yeeleen, waxaa goobti noqotay mugdi. Markaasu Saleemaan amaray mar kale oo yiri" ha feyddo midkiin walba hal baal.

Waxaa Ehlu kitaabka sheegaan in da'da Dawuud ay ahayd todobaatan iyo todobo sano, hase ahaate sax ma aha oo waxay ka hor imaaneysa waxa ku xusan xadiiska .. koleyba waxaa la isku raacsanyahay in Daawuud xukumay Israaiil boqor ahaan afartan sano