Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Awood Alle Ayaa Weyn Ee Aamin .. Eeg Awooda Ay Leedahay Kalmada: Laa-Xawla Wala Quwata ila Bila

Tuesday - May 28, 2019



Waqtiyadi Muslimiintu ay Gaalada kula jireen dagaaladi jihaadka ayaa mar ay Asxaabta Rasuulka SCW ka soo laabatay dagaalkaas ay galeen dabeeto waxa Rasuulka u yimid nin waxanu ku yiri: Rasuul Allow wiilkaygu dagaalkii ayuu raacay mana u soo noqon ee maxaan sameeyaa,
Rasuulku SCW wuxu ku yiri: Adiga iyo Xaaskaaga waxad ku cel-celisaan kalmada: Laa-Xawla Walaa Quwata Ila-Bilaahi (لا حول و لا قوة الا با لله )

Ninkii xaaskiisa ayuu ku soo laabtay waxayna su'aashay wuxu Rasuulku ku soo yiri wuxuu ku yiri: Rasuulku SCW wuxuu na faray inaan ku cel-celino kalmada: Walaa-Xawla Wala-Quwata ilaa Bilaahi .. Ninki Iyo Xaaskiisi waxay fariisteen gurigooda waxanay bilaabeen inay ku cel-celiyeen sidu Rasuulku faray SCW ..  Marka ay habeen barkii ahayd ayaa waxa albaabka soo garaacay wiilkoodii oo nabad qaba xoolo ay cadowgu lahaayeena wata .. Odaygii Aabaha ahaa wuxu wiilkiisa ku yiri: Aabo ii waran maxaa kugu dhacay ?

Wiilkii wuxu yiri waxan ka mid ahaa dadkii cadawgu dagaalka ku qabsaday, waxy igu xireen Silsilado Waawayn oo dhulka ku Qodban, laakiin waxa mucjiso igu noqotay Silsiladihii ayaa bilaabay inay jajabaan .. Odaygii wuxu hadana wiilkiisa ku yiri: oo Aabo dhulka waa dhul fog sideed ku timid? Wiilkii wuxu yiri: Aabo waxaan u maleeyay in Mal'iigtaa Baadkeeda igu siday.
----------------------------------------------------------
 
◆ Laa-Xawla Walaa Quwata - ILaa Bilaahi  (لا حول ولا قوة الا با لله ) Waxay qofka ka dul qaada culaysada Waana kalmad ilaahay jecelyahay.
Sido Kale Hadii aad safar galayso magaalo fogna u baxeyso ama u lugaynaso isku day inaad ku cel- celiso ( لا حول ولا قوة الا با لله) waxad arki mucjiso halka aad u socotaana way kuu soo dhawaan bi idini laah.

◆ Isku day hadii qof aad wayday ama uu kaa lumay inaad ku cel-celiso 

◆ ilaahayna danbigeena iyo ka waalidkeenba ha dhaafo sidu khayrku ku jirana ha ina garansiiyo