Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Laylatu-Qadar .. Waa Habeenka Ay Malaaiigtu Soo Degto Iyo Malaku Jibriil .. Waana Habeen Nabadgalyo ila Habeenka Waagiisa Ka Baryayo

Friday - May 31, 2019



Habeenka Laylatul-Qadar ee sharafta badani waxaa uu ku jiraa Tobanka danbe ee bishan barakaysan,
qofka muslimka ahna waxaa la gudboon inuu dadaalo Tobanka danbe ee ramadaan
dhamaantood si uu u waafaqo habeenkani, waxaanu bilaabmaa habeenka 21naad ,

Allahna(scw) waa uu qariyey habeenkani habeenka uu yahay .. Nebigana (scw) waxaa
ka sugnaatay axaadiis tilmaamaysa inaanu habeenkani ku khaas ahayn habeen kaliya
ee ay suurtogal tahay inuu noqdo 29,27,25,21, iwm. 

Habeenkan qaaliga ah fadligiisa waxaa ka mid ah inay cibaadadiisu ay ka khayrka
badantahay kun habeen, Eebana (scw) uu soo dejiyey quraankiisa, malaa’iigtuna ay
soo degto iyo malaku jibriilba .. Waana habeen nabadgelyo ilaa habeenka waagiisu ka
beryayo.
Waxyaabaha lagu garatona waxaa ka mid ah:
1- Inuu yahay habeen xasiloon, maaha kulayl iyo qabow toona.
2- Dabayli ma jirto
3- Cadceedu waxay soo baxdaa ayadoo bilaa shucaac ah,Cas, daciifna ah.
Nebiguna (scw) waxa uu yiri “ka kaca habeenka Laylatul Qadrka asagoo rumaysan, Eebana (sw) ajri kaga dalbaya, waxaa loo dhaafaa danbigiisii hore” Bukhaari iyo Muslim.
Allahna waxaan weydiisanaynaa inuu inaga yeelo kuwa uu waafajiyo
Laylatul Qadriga marar badan camalkeena inuu ka yeelo ku aan u sameyno Eebe (sw) dartii.