Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Waa Qisooyin Laga Soo Wariyey: Fadilat Imaam Shaafci Iyo Imaam Abu-Xaniifa .. Waa Culimo Aqoon Sareysa Iyo Casharo Ku Qotoma Faham Diin Iyo Wixii Alle Baray Umadda Muslimka Ah Ka Haqab Tiray

Saturday - June 1, 2019



Qisada Kowaad .. (xoolihii la waayey)
Waxa laga soo wariyaa Imaamkii waynaa ee Abu-xaniifa ilaahay naxariistii janno haka waraabiye inuu Nin u yimid oo uu waydiiyey Su’aal cajiiba, wuxuu yiri: Imaamoow waxaan lacagtaydii ku Aasay dhulka kadibna waan waayey meeshaan ku Aasay, waxaana baarayey illaa iyo mudo mana aan helin ee ii sheeg Shiikhoow xagay lacagtaasi taalo? imaam Abu-xaniifa wuxuu yiri; Su’aashani maaha mid la waydiiyo Culumada fiqiga! Kadibna imaamkii Abu-xaniifa mudo ayuu fakaray, wuxuuna ninkii ku yiri; saw doonimaysid inaad hesho lacagtaadii, waa inaad Tukataa salaad caawa illaa inta qoraxdu ka soo baxayso.
Ninkii waa baxay oo bilaabay inuu Tukado salaadii, hase ahaatee markuu dhawr Rakcadood tukaday ayuu ninkii xasuustay meeshu ku Aasay lacagtii kadibna intuu salaadii ka baxay ayuu soo saartay lacagtii .. Subaxii ayuu wadaadkii u yimid oo yii: Imaamoow, ilaahay khayr ha ku siiyo sidaad ku garatay inaan lacagta helayo? imaamki wuxuu yiri; waxaan ogaa inaanu Shaydaanku salaad intaas la eeg kuu ogolaanayn markaasu ku xasuusinayaa si uu kaaga mashquuliyo salaada Ilaahay. 

Qiisadi Labaad ..Nin oday ah ayaa u tagay Imaamka Shaafici ilaahay ha unaxariistee wuxuuna ku yiri; waa maxay daliilka diinta Islaamku? wuxuu yiri; waa Quraanka, wuxuu yiri; yaa ku xiga? wuxuu yiri; Sunnada Nabiga. Wuxuu yii; maxaa ku xiga? wuxuu yiri; waxay Umadu isku raacdo. Wuxuu yiri; maxaa u daliila in Umadu waxay isku raacdo yahay daliil? Imaam Shaafici wuxuu yiri; waqti isii aan soo baaree .. kadibna sadex casho ayu baarayey Quraanka markaasuu helay daliilkii wuxuuna yiri Ilaahaybaa yiri; (ومن يشاقق الرسول من بعد ما تبين له الهدى ويتبع غير سبيل المؤمنين نوفه ما تولى ونصله جهنم وساءت مصير 
Micnaha: Ruuxii Khilaafa Rassulka ka dib intuu u cadaaday Hanuunku oo Raaca Jidka Mu’miniinta midaan ahayn waxaa uga wali yeeleynaa wuxuu yeeshay waxaana galinaynaa Jahannamo iyadaana u Xun meel loo ahaado.